WhatsApp oo beeniyey inuu xadayo xogaha gaarka ah ee macaamiishiisa & dadkii oo dhegeysan la’ (Maxaa dhacay?)

0

(Menlo Park, CA) 12 Jan 2021 – WhatsApp ayaa war cusub kasoo saaray warar beryahan soo baxayey oo ku saabsan siyaasadooda xogaha gaarka ah, si ay uga jawaabaan walaaca laga muujinayo arrintaasi oo keentay inay dad badani iskaga qaxaan.

Dadka ayaa qoonsaday in xeerkan cusub oo hirgeli doona 8-da Febraayo uu WhatsApp xogohooda gaarka ah ugu gudbinayo Facebook, oo ah shirkadda iska leh.

Yeelkeede, WhatsApp ayaa haatan warkaa beeniyey iyagoo sheegay in aan wax xog ah oo gaar ah qofka laga qaadan doonin, isla markaana aanay iyagu arki karin xogahaa gaarka ah, balse waxa qura ee ay soo kordhinayaan ay tahay in macaamiisha adeegsata WhatsApp ay sidoo kale xogaha gelitaan iyo sheekaysiga sidoo kale ku kaydsan karaan server-rada Facebook.

Maamulka WhatsApp ayaa la fahamsan yahay inay markii hore ku fashilmeen inay xogahan soo gudbiyaan, markii ay soo bandhigayeen isbedelladan cusub bishii Oktoobar ee sanadkii tegey.

Dunida ayaa iska dhex martay warkan iyadoo uu xitaa warka qaatay Maareeyaha Guud ee Tesla, Elon Musk, oo soo tweet gareeyey in loo guuro ”Signal” mar uu la hadlayey 42 milyan oo isaga ku xiran, taasoo keentay in Signal uu noqdo mid ka mid ah apps-ka loogu degsiga badan yahay barnaamij-howleedka Android iyo iOS.

Telegram, ayaa isna helay 25 milyan oo qof oo cusub muddo 72 saacadood ah oo qura. Waxaa kale oo dadka WhatsApp ka cararay ka mid ah Madaxtooyada Turkiga.

Hadalsame Media