”Walba rootiga ii dhaafa!” – Darawal Ingiriis ah oo la kulmay qaraarka Brexit kaddib markii qadadii looga reebtay xadka Holland (Daawo)

0

(Amesterdam) 12 Jan 2021 – Booliiska Holland ayaa darawal Ingiriis ah kala wareegey rooti iyo hilib is dhexgelis ah (sandwich) taasoo waafaqsan xeerka Midowga Yurub oo aan ogolayn in waxyaabahan EU laga soo geliyo dalalka aan ka tirsanayn.

”Hilibka ma qaadan kartaan oo rootiga ma ii dhaafi kartaan,” ayuu ku baryootamayaa darawalku. ”Maya wax kasta waa lala wareegayaa. Kusoo dhowoow Brexit waa ka xumahay mudane.” ayuu ugu jawaabayaa askarta midkood.

Waxaa waxyaabaha aan la ogolayn ka mid ah hilibka, walxaha hilibka laga sameeyo, caanaha, khudaarta iyo miraha iwm, kuwaasoo la arkayo Booliiska Netherlands oo kala wareegaya darawallada ka imanaya UK ee ay xadka ku baarayaan, maadaama ay UK ka baxday ururka 31-kii bishii tagtay.

Hab-raaca ay soo saartay dowladda UK ayaa dhigaya in wixii ka bilowda 1-da Jannaayo aan dalalka Midowga Yurub la gelin karin wax kasta oo ah POAO (oo ah wax kasta oo laga sameeyo ama ka yimaada xayawaan) sida hilibka, caanaha iyo wixii iyaga kasii yimaada.

Hadalsame Media