Turkiga oo ku guulaystey sameeynta matoor diyaaradeedkii 2-aad ee uu isagu farsameeyo + Jaantusyo

0

(Ankara) 12 Jan 2021 – Turkiga ayaa sameeyey matoorkii 2-aad ee dayuuradaha qumaatiga u kaca ee ay iyagu soo saaraan kaasoo ah TEI-TS1400, ama TS4, waxaana lagu guulaystey tijaabadiisa sida kasoo baxday TAI.

Injineerrada Turkish Aerospace Industries (TAI) ayaa sheegay in shirkadda TAI hoos tagta ee TUSAŞ Engine Industries (TEI), ay diyaarisay matoorka TEI-TS1400 oo loogu tala galay dayuuradda doorarka badan ee uu Turkigu sameeyo ee T625 taasoo lagu naanayso Gökbey.

Mashruuca matoorkan lagu soo saarayo oo ay gacan ka gaysatey dalladda wershadaha agabka ciidanka ee SSB ayaa la bilaabay 8-dii Maarso 2017-kii, si loo diyaariyo matoor Turki samee ah.

Dayuuradaha Turkiga ee qumaatiga u kaca ee T625 ayaa awal adeegsan jirey matoorrada LHTEC ee CTS800 4-AT kaasoo ay tamartiisu la egtahay 1,373 oo faras, isla markaana ay sameeyeen sharikaadka Rolls-Royce iyo Honeywell oo ay kala leeyihiin UK iyo USA.

Matoorkan TS1400 ayaa se looga maarmayaa iyadoo lagu xirayo dayuuradda tababarka duuliyeyaasha ee Hürkuş iyo T129 oo samaysa sahanka xeeladeed isla markaana dagaallanta ee ATAK iyo wixii iyaga laga dhiraandhiriyo oo ay samayso TAI.

Hadalsame Media