SIYAASAD GEEL: Sida ay Somalia u saamaysay siyaasadda GEELA oo laga bixiyey sharraxaad macquul ah

0

(Hadalsame) 12 Jan 2021 – Miyi iyo Magaalo – Lixdanaadkii iyo toddobaatanaadkii waxaa jirey dhallinyaro markay waxbarashada dhammeeyaan oo qaarkood dibedda ka soo noqdaan laga dhigo saraakiil ciidan. Waxaa loo diri jirey xero ay ku soo qaataan dhawr bilood oo tababar ciidan ah. Xeryaha waxaa ‘macallimiin’ ka ahaa wiilal iyagoo geel ka soo haray oo murqo waaweyn ciidanka qortay. Wiilashaasu aqoon waxay ka yaqaanneen gaardiga, geela, legdinta iyo dhawr qori oo sida loo rido ama loo furfuro la baray.

Kuwii saraakiisha la qori lahaa iyagoo magaalo ku weynaaday oo nolol raaxo leh soo maray ayaa wiilashaas loo keeni jirey. Waxay u bixin jireen magacyo muujinaya jileec, wahsi iyo ragannimo yari. Askartu inay wiilashaas nolol adag mariyaan oo ka oohiyaan waxay u haysteen inay tahay waajib waddani ah.

Wiilka buuran ama midabka cad leh, ayey si gaar ah ugu maadaysan jireen. Mid reer Xamar ah oo sidii qorraxda loogu gaardisiinayey gacmaha iyo wejiga ka madoobaaday, ayaa markuu shaarka iska bixiyo askartu ka yaabi jireen laabta iyo caloosha caddaankii ka batay. Waxay u bixiyeen Roob-la-dhac (waa cayayaan guduud ah oo marka baadiyaha roobku ku da’o soo baxa). Magacyada wax aka mid ahaa “Kii qosol naageedka lahaa, bucbuc, Laafya xume, kii ilkaha dheeraa….. IWM).

Waayo dambe ayaa kuwii ardayda ahaa oo saraakiil sare noqday booqasho ku tegi jireen xeryihii. Askartu waxay sheegi jireen sheekooyin sida “Kaas hadda derejada lagu taxay wallaahi subixii ilaa lix ulood lagu dhufto, hurdada kama kici jirin…, kaas kale dhawr goor ayuu garoonka lagu gaardiyo ku matagay…, kaas kale intuu socon waayey, oo dhididkii ka dhammaaday oo bawdyaha iska gooyey ayaan laba askeri dhabarka u saarnay…, kaas kale…,”

Qofka dadka wax dheer, ama xoogaa is qaad-qaad ah laga dareemo ciiddaa la cunsiin jirey. In gacan wax lagu xalliyo waxay ka timi miyiga. Dagaal ayaa mar walba diyaar loo ahaa. Waran iyo gaashaan la’aan lama socon jirin. Legdintu waxay ahad maaweelo. Geeljiruhu markay maaweelo rabaan waxay isku diri jireen labo wiil oo ama legdemi jirey ama ulo intay isugu dhiibaan kii laga adkaado la eegi jirey.

Raggii Kacaanka dhaliyey waxay u badnaayeen dhallinyaradaas miyiga ku soo koray oo usha u adkaysan ogaa oo markii dambe saraakiil noqday. Waxay xoog ku qabsadeen reer magaalkii waana loo hogaansamay.

Laakiin iyagiina waxaa loo soo diray wiilal kale oo iyaga miyiga kaga sii dambeeyey. Kuwii ayaa hadda waddanka ka taliya. Magaalada aan deggenahay waxaa ila jooga oday Soomaaliyeed oo markuu maqlay nin hadda madaxweynayaasha Soomaalida ku jira yiri “markii iigu dambeysey isagoo nirgo la jooga oo aan weli magaalo aadin ayaan xasuustaa.”

Dhaqankaas kor-isu-qaadka neceb ilaa hadda waa nagu dheer yahay. Qofka sharraxan waa miskiin oo garab ayuu naga rabaa, marka inaan caawinno waa jecel nahay. Laakiin markuu isagii madaxweyne noqdo, oo dhawr bilood isagoo amar bixinaya aan aragno waxaan bilawnaa sidaan u soo ridi lahayn.

Amarka ma jeclin. Gaalkii I. M. Lewis ee Soomaalida waayo hore wax ka qoray ayaa yiri “Soomaaligu wuxuu rumaysan yahay in wuxuu samayanayo aanu qof kale kala tashan oo aan isaga iyo Ilaahay loo dhexeyn”.

Dawladdii Roomaanka waxaa riday qabaa’il reer guuraa u badnaa oo Jarmalka ka yimi. Boqortooyadii Shiinaha ee Bejing waxay lacag gunno ah u qori jirtey qabaa’ilka reer guuraaga ah. Labadaas dhaqan si nabad ah deris uma ahaan karaan. Magaaladu warqado iyo maxkamad ayey ku kala baxdaa. Miyiguna gacan iyo legdin.

Ha la kala maareeyo.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media

 

Facebook Comments