”Kaalaya halkan nagala shaqeeysta!” – TV Suuriyaan oo si qaadanwaa ah warbixin uga sameeyey Suuriyaan u qaxay Somalia (Arag fal-celinta)

0

(Muqdisho) 12 Jan 2021 – Hilinka Orient TV ayaa dhamaadkii sanadkii tegey warbixin ka sameeyey dhakhaatiir Suuriyaan ah oo u dalaabay dalka Somalia oo ay nolol cusub ka bilaabeen, xilli uu dalkoodu ku jiro qaaquullo siyaasadeed iyo dagaal sokeeye.

Somalia ayaa dhanka kale waloow aanay weli siyaasaddeedu fadhiyin dagaalladii sokeeyana aysan si buuxda u dhamaanin, misna u jihaysatey dhinicii soo kabashada, iyadoo ay dad badani qabaan in si kastaba ay adag tahay in dib loogu laabto dhibkii lasoo maray.

TV-ga ayaa si la yaab leh u sheegaya in ay maanta dad Suuriyaan ihi u qaxaan Somalia oo ay ka helaan nolol aysan ku haysan dalkooda hooyo oo ku burburay gacmaha kali taliska dalkaasi.

Yeelkeede, maadaama aanu warkani hadda cusbayn sababta qura ee aannu usoo qaadannay waa fal-celinta dadka Carbeed ee ka falcelinaya warkan oo iminka sii xoogaysatey.

Waxaa sidoo kale ku jirta Soomaali xog ogaal u ahayd sidii wanaagsanayd ee Suuriya u karaamaysay dadkii Soomaaliyeed ee u qaxay, taasoo ay kaga duwanayd dal kasta oo kale oo Carbeed, xitaa Masar. Waxayna muujinayaan in Suuriya ay abaal ku leedahay taasoo ay mudan tahay in loo gudo.

Suuriya iyo Yaman waxay ahaayeen labada dal ee Carbeed ee qura ee xuduudohooda u furay Soomaalida markii ay duntay dowladdii dhexe, waloow ay Soomaalidu tacaddi badan kala kulantay dhanka Yaman, si ka duwan Suuriya, in kastoo uu farqi wayni u dhexeeyo tirada dadka u kala qaxay labada dal.

Hadalsame Media