Guddiga Doorashada DF oo lugaha la galay arrin kale oo ”dhexdhexaadnimadooda” dilaysa (Daawo)

0

(Muqdisho) 12 Jan 2020 – Waxaa soo baxday arrin cusub oo dilaysa qiyamka iyo dhexdhexaadnimada Guddiga lagu muransan yahay ee Doorashada Qaranka ee DF kaddib markii bog Facebook oo ku xiriirsanaa bogga rasmiga ah ee Guddiga laga helay qoraal lagu sheegayo inuu ”xoolo dadwayne lunsaday” madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddigan ayaa barta internet-ka ku leh cinwaanka www.doorashada2021.so, kaasoo laga heli karo xogaha ku saabsan xubnaha guddiga, sawirrada xubnaha, howlaha loo xilsaaray iwm, tan iyo markii uu bishii Nofeembar ee sanadkii tegey uu sameeyey RW Rooble.

Marka aad tagto qeybta hoose ee isla bogga Guddiga Doorashada Qaranka waxaa ku xirnaa bog Facebook ah oo markii la gujiyo uu kasoo baxayo qoraalka lagu eedaynayo MW hore Xasan Sheekh, kaasoo uu qoray nin lagu magacaabo Farxan Gurxan oo ay magaciisa raacsan tahay inuu yahay diblomaasi, iyadoo warar kale oo uu Hadalsame helay ay sheegayaan inuu ka tirsan yahay howlwadeennada Safaaradda Somalia ee Kuwayt, waloow ay khalad wayn tahay in diblomaasi uu ra’yiga noocaas shaaciyo ama bandhigo.

Si kastaba, bogga ayaa haatan laga furay bogga www.doorashada2021.so kaddib markii ay is gaareen eedo ku baahay baraha bulshada, iyadoo qoraal isla Guddiga kasoo baxay lagu sheegay in ay ka beri yihiin qoraalkaas, waloow ay taa is diidayaan inuu bogga Guddiga ku xirnaa.

Waxaa dhacdo sii dilaysa dhexdhexaadnimada, qiyamka, madax bannaanida iyo isku hallaynta Guddiga Doorashooyinka oo markii horeba ay doodi ka joogtey dhexdhexaadnimadooda iyo kartida ay u leeyihiin qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

Hoos ka daawo….

Hadalsame Media