Xafiiska Warfaafinta ee Madaxtooyada Turkiga oo iskaga guurey WhatsApp (Akhri sababta)

0

(Ankara) 11 Jan 2021 – Xafiiska Warfaafinta ee MW Recep Tayyip Erdogan ayaa iskaga baxay gebi ahaanba adeegsiga WhatsApp kaddib markii uu app-kani soo rogey xeer cusub oo muran dhaliyey oo ay tahay inay ogolaadaan.

War uu Xafiisku mariyey isla WhatsApp ayuu Axaddii ku sheegay in ay hadda kaddib wixii war ah sida midka ay saxaafadda siinayaan ay marin doonaan via BiP, oo ah mid ay leedahay shirkadda Isgaarsiinta Turkcell, taasoo maanta bilaabmaysa.

Dadwaynaha Turkiga ayaa durba iyaguna bilaabay inay ka qaxaan WhatsApp iyagoo Twitter ka wada hashtag la yiraahdo #DeletingWhatsapp.

Sida ay sheegayso warbaahinta Turkigu, app-ka Turkcell, ee BiP ayaa helay 1.12 milyan oo adeegsade muddo ka yar 24 saacadood, iyagoo caalamiyan haatan maraya 53 milyan oo adeegsade.

Dad badan ayaa bilaabay inay iska tiraan WhatsApp oo 8-da Febraayo dhaqan gelinaya siyaasad cusub oo baylah ka dhigaysa in la adeegsado xogaha gaarka ah ee qofka. Halkan ka akhri…

Hadalsame Media