”Ma doonayno inaan Turkiga la colloowno!” – Imaaraadka oo ballan qaaday inuu la heshiinayo Turkiga + Shuruud

0

(Abuu Dabeey) 11 Jan 2021 – Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay in ay wanaajinayaan xiriirka ay la yeelanayaan Turkiga, sida uu sheegay Wasiiru Dowlaha Dibedda ee dalkaasi.

Mar uu la hadlayey SkyNews Arabia, Anwar Gargash ayaa sheegay inay “doonayaan inay Turkiga u sheegaan inay xiriirkooda wanaajinayaan iyadoo la is xushmaynayo”, isagoo Ankara ugu baaqay inay “joojiyaan taageerada Ikhwaanka si ay u wanaajiyaan xiriirka” dunida Carabta.

Wasiirkan ayaa maalmo kaddib markii uu dhacay shirkii Khaliijka ee ay kula heshiiyeen Qadar wuxuu sheegay in Imaaraadku yahay dalka 1-aad ee xiriir ugu ballaaran ee ganacsi Turkiga la leh marka ay timaaddo dhamaanba Bariga Dhexe, isagoo sheegay inaysan ”jeclayn colaad dhexmarta iyaga iyo Turkiga.”

Xiriirka labada dal ee Turkey iyo UAE ayaa meeshii ugu hooseeysey gaarey, iyadoo uu xitaa MW Recep Tayyip Erdoğan mar sheegay inay gebi ahaanba hakin karaan xiriirka ay la leeyihiin Abuu Dabeey kaddib markii ay meelo badan ku curjiyeen Turkiga kaddibna heshiis muran dhaliyey la galeen Israel.

Turkiga ayaa Imaaraadka ku eedeeyey inay taageeraan ururro argagixiso ah oo ka dhan ah Turkiga oo ay u adeegsanayaan agab siyaasadeed iyo mid ciidan ahaan.

Turkiga oo Turkiga ku wajahey Suuriya, Libya iyo Somalia ayaa sidoo kale Mohammed Dahlan u xilsaaray inuu shabakad jaajuus ah ka abuuro gudaha Turkiga isagoo ku lug lahaa afgembigii dhicisoobey, taasoo xaaladda sii xumaysay.

Hadalsame Media