Madaxtooyada oo markii 3-aad EED ay leedahay iskaga dhigtay Qoor Qoor (Imisa khalad ayaa dhacay)

0

(Hadalsame) 10 Jan 2021 – Musharrixiinta xilka madaxtinnimada, Guddoonka Aqalka Sare iyo MW Jubbaland ayaa iskaga marag kacay inaysan waxba ka jirin war shalay kasoo yeeray Madaxweynaha Galmudug, Axmed Kaariye (Qoor Qoor), kaasoo uu ku sheegay in ”tanaasul ka yimid dhanka Madaxtooyada balse ay kasoo jawaabi waayeen dhinacyada diiddan qaabka ay wax u waddo XF.

Md Qoor Qoor oo mar loo arkayey bil kasoo dhex baxday Maamul-goboleedyada ayay sidaasi su’aali ku saaran tahay doorka uu qaadanayo iyo sida la iskugu hallayn karo wararka dhankiisa kasoo baxa, iyadoo ay markani noqonayso markii 3-aad oo ay Madaxtooyadu iskaga moosayso eed iyo mas’uuliyad iyada u taalla oo uu isagu shafka u dhigtay, tiiyoo ay jirto inuusanba ku khasbanayn inuu doorkan ciyaaro.

KHALADAADKA QOOR QOOR

Khaladka 2-aad ee keenay inay dad badani xam xam isla dhex maraan wuxuu Qoor Qoor galay markii iyada oo loo ballansan yahay shirkii Dhuusamareeb 3 uu isla magaaladaa ku qabtay shir jaraa’id oo u muuqdey mid uu ku hadlayo afka XF, waxaana la arkayey qalabkii warbaahineed ee Madaxtooyada iyo kooxdii warfaafinta ee Villa Somalia oo inta kaamiro u diyaariyey ku leh ”1,2,3….Hadda biloow!”.

Qoor Qoor oo xilligaa qaadanayey door dhexdhexaadineed oo uu sumcad badan ku heli lahaa ayaa halkaa isku goowracay, isagoo sidoo kale Madaxtooyada u qabtay howl iyada u taalley, balse uu dareenkii u weecday dhankiisa.

Khaladka 1-aad ee doqoni ma garatada ahayd ee muujinayey in ay Madaxtooyadu Qoor Qoor ku geed qaadayso howl iyada u taalla waxay ahayd markii la ridey XF ee Khayrre hoggaaminayey 25-kii Luulyo.

Madaxtooyada ayaa markiiba Dhuusamareeb uga yeertey Qoor Qoor oo waloow uu ku guul darraystay loo diray inuu foolka ku diiro kooxaha mucaaradka ah ee Muqdisho jooga isagoo la siinayo ajendayaasha loo baahan yahay inuu kala hadlo (political assignment).

Madaxtooyadu waxay xilligaa karinaysey qorshe 2 sanadood ah oo ku darsi ah, balse markii ay wax noqon waayeen sidii markii hore loo qoondeeyey oo ay gorgortankii diideen, qaarna sida wax loo wadayo isku raaci waayeen dhinacyadii wax isla qorsheeyey.

Ujeedku ma aha inuu Qoor Qoor ku khaldan yahay inuu dhexdhexaadin ka galo wixii la isku hayo, haddii uu awoodo inuu furdaamiyo, si ka duwan haatan oo uu ku haftey, balse dhibka ay sidoo kale Madaxtooyada lafteeduna ku ceebaysan tahay isna uu ku cawarmay waa in uu u muuqdo nin ay Madaxtooyadu iskaga dhigayso mas’uuliyaddii iyada saarnayd iyo eedaha kasoo noqonaya intaba.

Waxaa dheer, in maadaama uu MW Galmudug yahay nin madax ka ah maamul-goboleed aanay Madaxtooyadu xaq ugu lahayn inuu maalin kasta qabto shir jaraa’id oo uu hadlayo arrin heer qaran ah oo waajibkiisa shaqo aan ka mid ahayn, isla markaana uu ku eed tirayo raggii ay u taalley oo isaga ku daba dhuumanaya, isna uu eed isku gelinayo.

Ugu dambayn, maadaama ay hadda luntay kalsoonidii hore wuxuu Qoor Qoor isku caymin karaa isagoo kusoo noqda doorkiisa heer goboleed isagoo iska diidaya inuu dhex boodo DF iyo Maamullada, isla markaana muujiya inuu fahmey in isaga lagu kaarto boxo oo uu hadhoow isagu qaato eed & mas’uuliyad qof kale u taalley, si uu sumcaddiisa usoo nooleeyo.

Sidoo kale, XF iyo Madaxtooyada waxaa la gudboon inay inta ka yimaadaan is dhaameelka iyo dhuumashada dhabarku muuqdo ay wajahaan waxa hor yaalla oo ah xallinta muranka jira, muhiimaddu waa ka wayn tahay cidda kursiga kusoo baxaysa, taasi waa qofkii calaf u galo, sidoo kale ma aha yaa saxan ama khaldan oo qura, balse waxaa ka wayn midnimada iyo wadajirka umadda oo lagu daray horay u socodka dalka iyo dadka oo mudnayn burbur dambe oo siyaasadeed oo la mid ah midkii lasoo maray.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media