Wixii la iskula soo qaaday kulankii xalay ka dhacay Villa Somalia & farriin laga keenay maamullada qaar

0

(Muqdisho) 09 Jan 2021 – Villa Somalia ayaa weli ku adkaysanaysa mowqifka ay ku diiddan tahay inay xalliso arrinta lagu muransan yahay oo ay ugu wayn tahay guddiga doorasho ee ay magacowday, waxaana dhacay kulan ay la yeesheen Maamul-goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, kaasoo looga arrinsaday doorashada.

Kulankan oo xilli dambe dhacay ayaa waloow ay marar kala duwan dhacayeen dhexsaday Madaxweynaha, Raysalwasaaraha, Taliyaha NISA iyo madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle & Guddoonka Gobolka Banaadir, ayaa sida la hadal hayo waxaa la iskula soo qaaday sidii doorashada horay loogu ambaqaadi lahaa, iyadoo aanay jirin wax muujinaya in la xallinayo waxa lagu muransan yahay.

MW Galmudug oo horay ula kulmay dhiggiisa Puntland & Jubbaland ayaa sidoo kale lagu warramayaa inuu u gudbiyey madaxda Villa Somalia, balse lama faahfaahin waxa ay ahayd iyo fal-celinta laga bixiyey.

Dalka ayaa haatan maraya meel aan kala caddayn iyada oo ay caddahay in aan weli si saaxi ah diiradda loo saarin in la xalliyo muranka ka taagan doorashada dalka ee 2021-ka oo sida la ogyahay ay diiddan yihiin gobollada qaar iyo musharrixiinta badankood, iyadoo kulanka xalay dhacay aanu wax badan kusoo kordhin xallinta qodobkaas.

Hadalsame Media