Waxyaabo dhacay markii lagu qamaamayey Koongarayska Maraykanka oo doodi ka taagan tahay (Shaki hor leh oo soo baxay)

0

(Washington, DC) 09 Jan 2021 – Xubno badan oo ka tirsan Xildhibaannada Dimoqraadiga ayaa muujiyey walaac ay ka qabaan in dadkii Arbacadii kusoo qamaamay Capitol Hill ay heleen kaalmo hoose oo ka baxsan iyaga awooddooda iyo xog ogaalnimadooda.

Waloow ay si guud u amaaneen Ciidanka Booliiska caasimadda iyo ilaalada Koongarayska oo qaarkood dhinteen sida Brian Sicknick qaarna dhaawacmeen iyaga oo difaacaya xarunta, misna waxaa soo baxay caddaymo muujinaya in askarta qaarkood ay xayndaabyada ka qaadeen qaswadayaasha, halka qaarkood ay u istaageen oo ay sawirro la galeen.

Xil. Steven Horsford (D-Nev.) ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in howsha dadka soo qamaamay ‘gudaha laga fududeeynayey” oo ay ka qoto dheer tahay sida la filayo.

Madaxa Aqlabiyadda Jim Clyburn (D-S.C.) ayaa isna tibaaxay inuu is waydiinayo sababta ay dadkani u heli karaan xafiiskiisa oo ah mid aan calaamaysnayn oo ku yaalla dabaqa 3-aad, iyagoo ka bililiqaystay waxyaabo uu ka mid ahaa iPad-kiisii.

Wuxuu is waydiiyey sida ay u heli karaan xafiiskiisa. Sidoo kale Xil. Linda Sanchez (D-Calif.) ayaa ku doodaysa in ay dhici karto in dad gudaha ku jira ay hagayeen lana shaqaynayeen dadka kusoo qamaamay Aqalka Koongarayska.

“Waa in la baaraa sida ay markiiba u abaari karaan xafiiska [Afhayeenka Wakiillada Nancy Pelosi] iyo midka hoggaanka aqlabiyadda,” ayay tiri Xil. Madeleine Dean (D-Pa.), oo ka mid ahayd dadkii ku jirey Koongarayska markii lasoo weerarayey.

“Annaga ayay nagu adag tahay inaan xafiisyada soo helno, meesha ayaana ka shaqaynaa.” ayay daba dhigtay Dea.

Hadalsame Media