Sucuudiga oo dayuurado dagaal u diraya dal ay Turkiga is hayaan (Ankara oo arrintaa ka carootey)

0

(Ankara) 09 Jan 2021 – Saxaafadda Giriigga ayaa sheegtay in Sucuudigu uu dayuuradaha F-15 u dirayo jasiiradda Crete ee dalkaasi si ay dhoollatus ula sameeyaan Giriigga taasoo ka caraysiisay Turkiga.

Warqaadka Greek City Times ayaa qoraya in dhoollatus wadajir ah ay mustaqbalka dhow wada samaynayaan Giriigga iyo Sucuudigu, iyadoo uu warqaadka Haberler uu isagu sheegayba in Turkigu ay arrintan u arkayaan ”mid halis ah”, maadaama ay dayuuradaha F-15 ee Sucuudiga ay duulinayaan wadayaal Giriig ah.

Warqaadka Turkishka ah ee Zaman ayaa qoray in Sucuudigu uu tillaabadan qaadayo isagoo og xiisadda ka dhex oogan Giriigga iyo Turkiga ee Bariga Badda Cad bilihii dambe, halkaasoo ay Giriigga iyo Qubrusiyiinta Giriigga ihi dhoollatus iyaguna ka wadeen.

Athens oo sidoo kale xiriir iskaashi amaan ah oo 20-sano ah la gashay Tel Aviv, kaasoo ay ki baxayso $1.68 bilyan oo doollar, ayaa marka Sucuudiga laga soo tago, sidoo kale olog la noqotay Imaaraadka, Masar, Faransiiska iyo Maraykanka oo ka midaysan hal arrin oo ah inay guulguulayaan Turkiga.

Zaman ayaa qoray in Sucuudigu uu leeyahay raxanta 3-aad ee ugu badan dunida marka laga soo tago Maraykanka iyo Japan oo ah labada dal ee qura ee uga badan dhanka haysiga dayuuradaha F-15.

Hadalsame Media