”Ha illaawina ‘gacantii birta’ ahayd!” – MW Azerbaijan oo digniin culus u diray Armenia

0

(Baku) 09 Jan 2021 – MW Azerbaijan, Ilham Aliyev, ayaa ka caroodey booqasho uu Wasiir Dibadeedka Armenia ku tegey gobolka Nagorno-Karabakh oo uu kula kulmay ciidamo ka tirsan gooni goosadka taageersan isagoo Yerevan uga digey inay ka shallaayayso haddii ay sii waddo tillaabooyinkan daandaansiga ah, sida uu yiri.

Aliyev oo ka hadlayey caasimadda Baku ayaa yiri: “Booqashooyinkani waa inay joogsadaan. Haddii tillaabooyin daandaansi ah oo noocan oo kale ah la qaado, waxaan ka digaynaa in Armenia ay ka shallaayi doonto in ka badan intii hore,” ayuu yiri isagoo ka hadlaya booqashadii Wasiirka Ara Ayvazyan.

Wuxuu sheegay in Azerbaijan ay Ruushka oo ay halkaa ciidamo ka joogaan ku wargelisey inaanu gobolka iman karin qof aan rukhsad ka haysanin Azerbaijan, isagoo nasiib darro ku tilmaamay in Ruushku uu halkaa u ogolaaday xildhibaanno Faransiis ah, iyagoo u yeerey Danjiraha Faransiiska u fadhiya Baku oo ay arrintaa uga digeen.

Isga oo toos ula hadlaya Ayvazyan, wuxuu yiri Aliyev: “Maxaad meeshaas ka qabanaysey? Waa inaydnaan illaawin dagaalkii, waayo ”gacantii birta ahayd” weli meesha waa taallaa.”

Wuxuu ballan qaaday in cawaaqib xun oo darani uu xigi doono haddii ay markale qaadaan tillaabo la mid ah booqashadii uu Talaadadii hore uu Nagorno-Karabakh ku tegey Wasiirku.

Hadalsame Media