”Calankii Maraykanka waxay ku bedeleen midka Somalia” – Dood ka dhalatay calanka Somalia oo la saaray kaalin shidaan oo ku taalla Minneapolis

0

(Minneapolis) 09 Jan 2021 – Maalmo kaddib markii ay Booliiska Minneapolis ay toogasho ku dileen Doolaal Ciid, oo ahaa arday 23-jir ahaa oo lagu diley kaalin shidaal, halkaasoo ay iskugu soo bexeen dad ka dhiidhinayey dilkaas oo doonayey iyagoo dilkan ku mitaaley midkii George Floyd ee bishii Maajo.

Yeelkeede, warbaahinta Maraykanka ayaa meel kale diiradda saartay: waa calanka Somalia ee xiddigta cad iyo dambeedka buluugga ah leh oo ka dul babanaya kaalinta shidaalka.

Blois Olson ayaa Twitter keenay tweet uu ku leeyahay ”In calanka Somalia la suray booskii midka Maraykana la saari lahaa!”, balse waxaa markiiba laga daba keenay jawaabo lid ah iyadoo la waydiiyey sababta uu u dhibay calanka Somali maadaama ay meelo badan ka taagan yihiin calamada dalal kale oo ay ku jiraan kuwa Scandinavia oo ay kasoo jeedaan dadka caddaanka ah ee u badan Minesotta.

”Halkee Calanka Somalia laga saaray booskii Maraykanka? Maxaad ku hadlaysaa Blois? ayuu soo qoray nin soo jawaabey.

”Waxay u egtahay in rabsha walayaashu ay calanka Maraykanka ku bedeleen midka Somalia koonfurta Minneapolis,” ayuu yiri mid kale.

”Waa saamaynta Ilhaan Cumar in qaswadayaasha bidixdu ay calanka Somalia ku bedelaan midkii Maraykanka.” ayuu mid kale yiri.

”Waxaan arkay calanka Swedish-ka oo ka taagan Lindstrom, midka Norway oo ka babanaya miiska hoggaamiye ka tirsan Jamhuuriga, kan Finland oo saaran kaalin shidaal oo kale, midka Canada oo la suray meel ku taalla Duluth. Maxay tahay sababta uu calanka Somalia kuu walaaciyey? ayuu waydiiyey mid kale oo daminaya doodda kacsan.

Ugu dambayn kaalinta shidaalka ee Holiday Gas Station ayaa bartii kusoo kordhiyey calanka Maraykanka howshoodiina halkii kasii watay.

Hadalsame Media