Aqalka Hoose ee Somaliland oo meel mariyey xeer u gogol xaaraya Suuq Xor ah oo la tartami doona midka ugu wayn Afrika (Halkee ku yaallaa?)

0

(Hargaysa) 09 Jan 2021 – Aqalka hoose ee Somaliland ayaa meel mariyey xeer cusub oo sahlaya in halkaa laga sameeyo Suuq Xor ah (Free Trade Zone) oo laga bilaabayo Dekedda Berbera.

Xeerkan ayaa sahlaya in la dhamaystiro Mandiqadda Suuqa Xorta ah ee Berbera oo ku fahdiya 12 km oo jibbaaran, kaasoo lagu wado in la furo 2022-ka.

Suuqan xorta ah ayaa hardan adag la geli doona midka Jabuuti ee Djibouti International Free Trade Zones (DIFTZ) oo haatan loo arko midka ugu ballaaran Afrika oo idil, kaasoo lagu khasiray adduun dhan $3.5 bilyan oo doollar kuna fadhiya 4,800 oo hektar.

Suaqa Berbera Free Zone ayaa laga qalin daartay midka DP World ee Jebel Ali Free Zone (Jafza) ee Dubai iyadoo lagu doonayo inuu soo jiito maalgashiyo, dhiirri gelinta ganacsiga, abuurista shaqooyinka iyo inuu Berbera ka dhigo irid muhim u ah ganacsiga gobolka.

Waxaa halkaasi saldhig u noqonaysaa hoosooyin waawayn, alaabooyinka la is dhaafsanayo iyo ganacsiyo kale, iyadoo uu MW Biixi uu Diseembar 2019-kii heshiiskan lasoo galay Guddoon Xigeenka DP World ee Suhail Al Banna.

Hadalsame Media