”Waa in gunaanadkiisa lagu dhaqsadaa!” – Ilhaan Cumar oo fursad ku heshay Donald Trump

0

(Washington, DC) 21 Jan 2021 – Xildhibaannadda Ilhan Omar ayaa sheegtay inay arkaysey markii ay Aqalka Koongarayska kusoo xoomeen koox taageeraysa MW Donald Trump taasoo keentay in iyada iyo xildhibaannadii kale loola cararo meel amaan ah.

Yeelkeede, 24 saacadood uun kaddib waxay buuxisay foom lagu dalbanayo in lasoo gole joojiyo Trump oo hadda kahor iyada ku tilmaamay qof musuq ah, Maraykanka neceb isla markaana mudan in lagu celiyo Somalia.

“Kicintani waa afgembi cad oo dowladda ka dhan ah,” ayay tiri Ilhaan oo shir jaraa’id qabatay.

Ilhaan ayaa laba tillaaobo midkood doonaysa in laga qaado Trump, midi waa in lasoo gole joojiyo midna waa in la hirgeliyo Qodobka 25-aad, balse midka dambe ma sahlana maadaama loo baahan yahay in MW Xigeenka, inta badan Golaha Wasiirrada iyo 2/3 ka mid ah labada aqal ay sidaa soo jeediyaan, waxaa sidoo kale yar waqtiga u harsan.

”Waxaannu u baahan nahay in aannu dhaqse ninkan uga saarno xafiiska madaxwaynaha.” ayay tiri Ilhaan Cumar.

Hadalsame Media