”Waa dimoqraadiyad bac khafiif ah!” – Iiraan oo ku maadsatey mashaqadii ka dhacday Maraykanka

0

(Tehraan) 08 Jan 2021 – MW Iran ee Hassan Rouhani ayaa ku maadsadey qalalaasihii ka dhacay caasimadda Maraykanka, gaar ahaan Capitol Hill ee ay ka dambeeyeen taageerayaasha MW Donald Trump iyagoo sheegay inay taasi muujisay sida ay u nugushahay dimoqraadiyadda reer Galbeedku.

“Waxa aannu shalay Maraykanka ku aragnay waxay muujinaysaa sida ay u nugushahay oo ay u baylahsan tahay dimoqraadiyadda Galbeedku,” ayuu yiri Rouhani oo ka hadlayey TV-ga dowladda.

“Waxaannu nasiib darro aragnay in Maraykanku uu yahay dhul bacrin ah oo lagu tallaali karo aragti shacbawi ah, xitaa kaddib markii ay ku hormareen sayniska iyo tiknolojiyadda.

“Waxaa yimid nin shacbawi ah kaddibna dalkiisa ayuu musiibo u horseeday 4-tii sanadood ee tegey.” ayuu raaciyey.

Fiidnimadii Arbacadii ayay ahayd markii ay taageerayaasha Trump ay ku qamaameen Aqalka Koongarayska oo xilligii u fadhiyey sugitaanka natiijada doorashada MW Joe Biden oo ay doonayeen inay arbushaan, iyagoo baaq ka helay MW Trump.

Hadalsame Media