Nin Soomaali ah oo aad loo amaanay oo ka mid noqday Senet-ka Gobolka Oregon

0

(Portland, Oregon) 08 Jan 2021 – Kayse Jama, oo wax ka sameeyey maareeyana ka ah hay’ad u doodda dadka qaxootiga ah, dadka madow iyo qoysaska dakhligoodu yar yahay, ayaa ku guulaystey inuu xildhibaan ka noqdo Baarlaman-goboleedka Oregon, gaar ahaan Senate-ka.

Ninkan ayaa meteli doona degmada u dhexeeysa bariga Portland ilaa woqooyiga Clackamas County ee ku dhereran Interstate 205.

Jama ayaa loo arkay nin ka mid ahaa raggii ugu cad caddaa tartamayaasha xisbiga Dimoqraadiga, waxaana la ordayey Adrienne Enghouse iyo Candy Emmons.

Waxaa lagu amaanay taageerada ballaaran ee uu bulshada siiyo iyo astaamihiisa hoggaamineed ee cod siinta dadka aan iyagu isu hadli karin ee cod la’aanta ah, iyo sooyaalkiisa ah Soomaali isaga oo qaxooti ah yimid kaddibna bartay af Ingiriisiga.

Hadalsame Media