Imaaraadka ayaa qayb ahaan oo soo celinaya xiriirkii Qadar (Qadar oo ka hadashay in xiriirkani saamayn karo midka Turki, Iiran iwm)

0

(Abuu Dabeey) 08 Jan 2021 – Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu todobaad gudihii kusoo celinayo xiriirkii ganacsi iyo midkii isu socodka gaadiidka ee uu la lahaa dalka Qadar kaddib heshiis uu Maraykanku ka shaqeeyey oo lagu saxiixay Sucuudiga si loo dhameeyo khilaafka Khaliijka.

Anwar Gargash, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka ayaa sheegay in ”xasaradaha iyo khilaafyadu aysan waarin, balse ay saxaafaddu aad usii buunbuunisay”, sida uu yiri.

“Arrimaha qaar waxaa lagu dhamayn karaa si deg deg ah, balse qaar baa waqti dheer qaadan doona, balse waa bilow wanaagsan,” ayuu yiri Gargash oo sheegay in taana laga shaqeeynayo.

Yeelkeede, arrimaha qaar ayaa loo fahmey arrimaha siyaasad-dhuleed sida xiriirka Qadar kala dhexeeya Turkiga iyo Iiraan iyo kooxaha Islaamiyiinta ah sida Ikhwaanka. Qadar ayaana ka jawaabtey.

Wasiir Dibadeedka Qadar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman al-Thani, ayaa sheegay mar uu u warramayey The Financial Times shalaytoole in waloow ay tanaasulaad sameeyeen si loo heshiiyo aanay misna marna cidna uga dambaynayn siyaasaddooda dibedda iyo ciddii ay xiriir la yeelanayaan.

“Xiriirrada waxaa riixaya go’aammo madax bannaan oo ku salaysan danaha qaranka. Marka heshiiskani saamayn maayo xiriirka aannu la leennahay dalalka kale.” ayuu hoosta ka xarriiqay.

Bishii Juun 2017, ayay ahayd markii ay Saudi Arabia, UAE, Bahrain iyo Egypt ay go’doomiyeen Qadar.

Hadalsame Media