Dood laga keenay lacagta uu ururinayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur & sababta loo cuskaday

0

(Hadalsame) 08 Jan 2021 – Xisbi kasta oo deeq taageero iyo tabarucaad weydiista dad weynaha isaga oo aan rasmi noqon waa qallin shubato u soo diyaar garowday in ay dad weynaha baartaan.

Taageerada Abdirahman Abdishakur in aysan Shiico, Al Shabaab iyo Shisheeye ka imaaneyn cid hubin karta ayaa lama huraan ah. Ayada oo shuruucdii maareynta dhaqaalaha ololaha doorashooyinka la helin in Abdirahman Abdishakur taageero dalbado waxay caddeynaysaa in uu yahay ‘‘arkaa qaad’’ aan sharciga sugeyn ee raba ka hor in uu qaraabto?

Xisbiyada dalkeenna ka jira weli waa ku meel gaar. In xisbigu rasmi noqdo shuruudo sharci ah ayaa horyaal. Shuruudahaas waxaa ugu muhiimsan;

(1) In tirada xubnaha xisbiga dhan yihiin ugu yaraan toban kun (10,000) oo codbixiyeyaal qaan gaar ah oo ka diiwaangashan ugu yaraan sagaal (9) ka mid ah 18kii gobol ee horay u jiray ka hor 1991; (2) In Golaha fulinta ee xisbiga ka muuqataa isku dheellitirnaanta gobollada, beelaha, jinsiga, dadka laga tirada badan yahay iyo kooxaha la hayb sooco si waafaqsan qodobka 11-aad ee dastuurkeenna. Eeg lifaaqyada fadlan si aad u ogaato shuruudaha rasmi noqoshada ee Axsaabta.

Si xisbiyadu ilo dhaqaale oo rasmiya u helaan Dawladda Federaalku waxay abuuraysaa “Sanduuqa Xisbiyada” oo uu maamulayo Xafiiska Diiwaangelinta ee Guddiga Doorashooyinka, waxaana kormeeraya Hanti Dhowrka Qaranka. Sanduuqa ayaa dhaqaalaha waxaa ku shubaya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada oo u qoondeynaya dhaqaale u dhigma eber dhibic saddex boqolkiiba (0.3%) miisaaniyad sanadeedkooda.

(0.3%) waa dhaqaale faro qabsiya. Tusaale miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee 2021 waa $671.8 malyuun. Haddii (0.3%) ku dhufato miisaaniyadda waa labo malyuun iyo jajab ($2,015,400) oo dollar.

Boqolkiiba sagaashan iyo shan (95%) lacagahaas waxaa si siman loogu qeybinayaa xisbiyada sida rasmiga ah uga diiwaangashan Guddiga Doorashooyinka. Boqolkiiba shanta (5%) soo hartay waa kharajka maammulka sanduuqa. Haddii Axsaabta rasmiga noqota gaaraan sagaal (9) xisbi (innaga oo badinayna), xisbigiiba waxaa ku soo aadaya labo boqol oo kun ($200,000) ka badan sanadkii. Waa lacag aysan Dowladda Somaliland, xisbiyada siyaasadeed siin. Ujeedada ugu weyn cashuurta shacabka xisbiyada loo siinayo waa in ay kamid yihiin hey’adaha qaran ee dalkeennu yeelanayo. Lacagtaas ma helayo xisbigii laba meelood saddex meel (2/3) madaxdiisu tahay hal jinsi, hal qabiil ama hal gobol.

April 22, 2019 ayaa Xisbiga Wadajir shaaciyey Guddigiisa Fulinta oo labo iyo toban (12) xubnood ka kooban. Waxaa ashqaraar noqotay in xubnuhu dhamaan rag aan xataa hal gabari tarrixin yihiin.

Maadaama Xafiiska Diiwaangelinta ee Guddiga Doorashooyinka iyo Hanti Dhowrka Qaranka aysan maamulayn dhaqaalaha xisbi aan rasmi aheyn. Abdirahman Abdishakur waxaa horyaalla su’aalahaan; (1) Lacagta ay dadweynaha weydiisteen, yaa iyaga ahayn oo u awood u leh inuu ogaado? Yaa iyaga ahayn oo ogaan kara halka ay ku bixi doonto iyo waxa loo isticmaali doono?

(2) Lacagtii dadweynuhu bixiyeen hadhow malagu iibsan karaa codka xildhibaannada, jawaabtu hadday ‘‘haa’’ tahay, taageerayaasha lacagta bixinaya maloo sheegay in lacagtooda lagu iibsan doono Xildhibaan?

(3) Maxay tahay xuquuqda muwaadinka bixiyey taageerada uu helayo? Haddii qof ama koox lacag bixisay iyo Xisbiga Wadajir is qabsadaan Maxkamaddee ayaa awood u leh iney qaaddo dacwadooda?

Adduunyada taageerada dadweynaha ee ololaha waxaa ka jira xeerar iyo kor joogteyn hubisa sida loo isticmaalayo. Qadarka taageerada ee qofka bixin karo, sida uu ku bixinayao, inta la ogol yahay in ay caddaan (cash) noqoto waa la jaan gooyey. Tusaale Mareykan waxaa ka xaaraan ah shirkad, ururada shaqaalaha rayidka ah, qandaraasleyda dowladda, urur argagixiso iyo shaqsiyaad/shirkado ajaaniba in lacag laga qaato ama ku bixiyaan xisbi iyo qofka murashaxa ah.

Hadalsame Media