Ciidamada Ruushka ah ee la jooga Nagorno-Karabakh oo la bilaabay inay u garbiyaan Armenia (Dhowr arrimood oo dhacay)

0
Russian peacekeepers hold up their hands to stop a photo being taken as a checkpoint is set up at the entrance to Stepanakert on Nov. 13. Jack Losh for Foreign Policy

(Baku) 08 Jan 2021 – Ciidamada Ruushka ah ee la geeyey Gobolka Nagorno-Karabakh ayaa lagu arkay hab-dhaqan muujinaya inuu la safan yahay Armenia, waloow halkaa loo geeyey inuu damaanad qaade ka noqdo xabbad joojintii Nofeembar 10 ay gaareen Azerbaijan iyo Armenia oo uu isagu u kala dab qaaday.

Saraakiisha Azerbaijan ayaa ku ashtakoonaya inuu Ruushku dhan u xaglinayo halkii uu hirgelin lahaa heshiiska isla markaana uu muujin lahaa mowqif dhexdhexaadnimo ka muuqato, mar ay la hadleen Anadolu Agency (AA).

Madaxa Kastamada Azerbaijan, Araz Aslanlı, ayaa sheegay in qaar ka mid dhaqamada Ruushku aanay caawinaynin in xal waara laga gaaro arrinta Nagorno-Karabakh isagoo shaki ka muujiyey niyad wanaagga Moscow.

MAXAA LA QOONSADAY?

Rustem Muradov, Taliyaha Ciidanka Ruushka ee gobolka jooga, ayaa la arkay isaga oo la sawiran saraakiil ka tirsan ciidamada Armenia ka joogey gobolkaasi, waxaa sidoo kale meelaha uu Ruushku jooga ka muuqda calan-goboleedka ay Armenia u samaysatay gobolkaasi.

Marxalad kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa war ay webkeeda soo dhigtay ku adeegsatay kelmadda “Jamhuuriyadda Nagorno-Karabakh,” waxayna qoraalkaas saartay kaddib markii ay cabasho ka keentay Azerbaijan oo uu gobolkani ka mid yahay.

Waxaa kasii dambeeysey markii ay Wasaarad Dibadeedka Azerbaijan ay markale ka cabatay booqasho uu gobolka Nagorno-Karabakh ku yimid Wasiir Dibadeedka Armenia, taasoo si cad ugu tumanaysa tibxaha heshiiska labada dhinac.

Dad badan ayaa horay marar badan shaki uga muujiyey inuu Ruushku daacad iyo dhexdhexaad ka noqon karo labada dal, maadaama uu xiriir dhaqan, diimeed iyo mid taariikhi ah la leeyahay Armenia oo ay isla haystaan mad’habta Orthodox-ka.

Hadalsame Media