”Maxaa dhici lahaa haddii ay dadkii xalay madow ahaan lahaayeen?!” – MW dooran ee Maraykanka oo ka hadlay cadaalad darrada Maraykanka

0

(Washington, DC) 21 Jan 2020 – MW Dooran ee Maraykanka ee Joe Biden ayaa cambaareeyey hay’aadka sharci oogista oo uu ku dhaliilay inaysan isku si ula dhaqmin dadka dembiyada gelaya, isagoo ka hadlayey kooxdii caddaanka ahayd ee ku qamaamtay caasimadda Maraykanka.

“Qof ii sheegi karaa ma jiro in haddii ay dadkaasi ahaan lahaayeen kooxda madowga ah ee  Black Lives Matter, aan loola dhaqmi lahayn si aad iyo aad uga geddisan sida loola dhaqmay tuugadii ku qamaamtay Capitol Hill,” ayuu ku dooday Biden oo ka hadlayey munaasabadda uu ku magacaabay Merrick Garland oo noqonaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka.

“Waannu wada ognahay inay taasi run tahay. Lamana aqbali karo. Lama aqbali karo gebi ahaanba, dadka Maraykankuna si cad ayay ugu jeedaan caddaalladdan aan loo siinayn.” ayuu raaciyey.

Saxaafadda Maraykanka iyo tan caalamka ayaa ilaa xalay waxay isbarbardhig ku samaynaysey sida loola dhaqmay dadkii madowga ahaa ee ka dhiidhinayey dilkii dad badan oo madow ah oo iyaga oo aan dhaafin xayndaabkii ay u dhigeen ciidanka amaanka misna loogu yeerey xitaa millateriga Maraykanka, halka ay ciidanka amaanku xalay ka hor leexdeen kooxdii ku xoontay Aqalka Koongarayska, qaarna la sheegay inay selfie la gelayeen.

Hadalsame Media