”Waa ujeeddo siyaasadaysan!” – Dowladda Turkiga iyo shirkadda Volkswagen oo ay ka tafatay (Maxaa la isku maagay?)

0

(Ankara) 04 Jan 2021 – Turkiga ayaa shalay sheegay in go’aanka ay sharikadda gawaarida farsamaysa ee Volkswagen ay ku kansashay qorshe ay Turkiga uga samaysan lahayd wershad ay gawaarida ku samayso uu yahay mid siyaasadaysan oo ay isla iyadu ku khasaarayso.

“Waan ogayn inay jireen dad aan siyaasad darteed aan dooynin maalgelintan,” ayuu yiri Wasiirka Wershadaha iyo Tiknolojiyadda Turkiga, Mustafa Varank.

“Annaga ma aha, balse waa Volkswagen, midda tillaabadan ku khasaaraysa.” ayuu raaciyey Varank.

Yeelkeede, Agaaimaha Guud ee Volkswagen, Herbert Diess, ayaa tillaabada shirkaddiisa ku micneeyey mid salka ku haysa saamaynta dhaqaale ee cudurka Covid-19 oo hoos u dhigtay dalabkii gawaaridooda.

Sharikaddan ayaa doonaysey inay wershad ballaaran ka samaysato Manisa oo dhacda xeebta woqooyi galbeed Turkey.

Waxaa lagu kharaj garayn lahaa 1.3 bilyan oo euro ($1.4 bilyan oo doollar) si loogu dhiso noocyada Volkswagen sida Passat iyo Superb, iyo qayb ka tirsan gawaarida shikadda Skoda, oo ay leedahay isla Volkswagen marka la gaaro 2022 iyadoo sanadkii samayn kar lahayd 300,000 oo waaxood.

Waxay Manisa bishii Oktoobar 2019 uga sameeyeen hooso ay ku baxday $164.5 milyan oo doollar oo lagu samayn lahaa xirxiritaanka iyo naqshadaynta, balse waxaa la xirey bishii Diseembar ee isla sanadkaas.

Hadalsame Media