DAAWO: Waxay beer xoolaad ka samaysatay dooxo ku taalla Talyaaniga balse madaxa ayaa dubbe lagala dhacay (Qofka diley ma ahayn mid ay ka malaysanaysey)

0

(Trento) 04 Jan 2021 – Waxay ahay gabar soo galooti ah oo mar qura qabsatay warbaahinta Talyaaniga, Yurub iyo Galbeedka kaddib markii ay beer yar oo xoolaad ka samaysatay dooxo fog oo ku taalla woqooyiga Talyaaniga oo ay ka hirgelisey ganacsi dhanka burcadka ah (Farmaajo).

Gabadhaasi waa Agitu Ideo Gudeta oo u dhalatay dalka Itoobiya, taasoo nasiib xumo todobaadkii hore gurigeeda lagu diley iyadoo lala dhacay dubbe ama burris.

Geeridan ayaa markale qabsaday warbaahinta, bale Booliiska oo aan bilowgii wax wacaal ah soo gudbin ayaa hadda bargartay qofka ku eedaysan dilkeeda:

Waa 32-jir u dhashay dalka Ghana oo Ms. Gudeta ka caawiyey inay hesho riyo naadir ah oo ay dhaqdo si ay uga hesho caano laga sameeyo burcadka oo noqday ganacsi guulaystey oo ay u bixisay La Capra Felice (Rida Faraxsan), iyadoo iibin jirtey farmaajada, yoogada iyo walxaha la isku qurxiyo.

Ninkan ayaa qirtay inuu Ms. Gudeta kula diriray lacag ay ku murmeen, kaddibna uu ku diley burris ama dubbe, sida ay sheegayaan baarayaasha iyo qarreenkiisu, iyadoo beerta xoolaad ku lahayd

Waxay ahayd wejiga soo galootiga najaxay ee bulshada dhex galay isla markaana sameeyey fursad iyo nolol cusub.

Hadalsame Media

Facebook Comments