”Xitaa gudaha Maraykanka idinkuma cafin doonno!” – Iiraan oo sheegtay inay u aargudayso Qasem Soleimani oo la diley maanta oo kale

0

(Tehraan) 03 Jan 2021 – Esmail Ghaani, taliyaha Ciidanka Quddus ee ka tirsan Ilaalada Jamhuuriga Iiraan (IRGC), ayaa ku gooddiyey inay u aargudi doonaan Qasem Soleimani oo ay Maraykanku khaarajiyeen maanta oo kale sanad kahor.

Warka Ghaani ayaa yimid xilli uu ka hadlayey munaasabad ay agaasintey Jaamacadda Tehraan, taasoo lagu maamuusayey sanad-guuradii 1-aad ee dilkii Qasem Soleimani oo hayey isla xilka Ghaani, kaasoo la toogtey Jannaayo 3, 2020.

Wuxuu sheegay in “khaarajinta Soleimani aysan ka hari doonin Ciidanka Quddus”, balse xitaa Maraykanka gudihiisa ay joogaan dad doonaya inay ka bilaan kuwa dembigan gaystey, sida uu yiri.

Dilkan ay Washington u gaysatey Soleimani oo lagu duqeeyey agagaarka Garoonka Baghdad International Airport oo uu markaa kasoo degey, ayaa waxaa ka dhashay inay maalmo yar kaddib ay Iiraan duqayso 2 xero oo ay Ciidanka Maraykanku ku leeyihiin Ciraaq, waloow aanay wax wayni ku gaarin Maraykanka oo ay isla Iiraan usii digtey sida ay xogaha qaar sheegayaan.

Hadalsame Media