MW Farmaajo oo ku fashilmay arrin ay iyaguna horay ugu fashilmeen madaxdii ka horreeysey (Waa maxay?)

0

(Hadalsame) 03 Jan 2020 – Dastuurka dunida sida ugu dhaqsiyaha badan loo qoray waa kan Japan. Waxaa qoray afar iyo labaatan (24) nin oo Mareykan ah. Todobo (7) beri gudahood ayaa lagu diyaarshay.

Gabadha keliya ee qeybta ka aheyd ayaa qaabilsaneyd tarjumada iyo in loo rogo Japanese.Xafiiska General Douglas MacArthur, oo ahaa ammaan duulihii hogaaminayey ciidamada Mareykan ee qabsaday Japan, ayaa lagu qoray. Boqol iyo saddex (103) qodob ayuu ka kooban yahay.

Dastuurka ugu wakhtiga, diyaarinta iyo doodda dheeraa casrigan waa kan India. India dabcan waa dalal isku dhex yaalla.

Guddi saddex iyo toban (13) xubnood ka kooban iyo saddex boqol (300) oo ergay ayaa diyaarisay. Ergada iyo guddiga qorayey dastuurka ayaa ku kala hadlayey saddex iyo labaatan (23) af oo kala duwan. Ergay walba afkiisa ayaa lagu heshiiyey in uu ku hadlo. Hayeeshee dastuurka ayaa lagu qoray English.

Ergadaas ayaa yeelatay boqol lixdan iyo lix (166) fadhi oo dood, diyaarin iyo aragti wadaag ah. Labo (2) sano iyo kow iyo toban (11) bil ayey ku soo saareen dastuurka adduunka ugu dheer. Muddadaas yar ayaa ergada India, kusoo saartay dastuur ka kooban saddex boqol shan iyo shagaashan (395) qodob iyo labo iyo toban (12) lifaaq oo faahfaahinaya awoodaha. masuuliyadaha iyo sida loo kala leeyahay xukunka iyo shaqada.

Waxaa xusid mudan in Boqortooyada Ingiriisku damacday in ay qorto dastuurka India. Hayeeshee, Hindida iyo hogaamiyaashooda ayaa diiday. Lix iyo siddeetan kun iyo labo boqol ($86,200) oo dollar lacag u dhiganta maanta ayuu India, ugu kacday qoridda iyo faafinta dastuurkooda.

Dastuurka Mareykan oo ugu qadiimsan dunidaan casriga ah waxaa laga dooddayey shan iyo sagaashan (95) beri. Guddi shan (5) xubnood ka kooban ayaa qoray oo keenay saddex iyo labaatan (23) qodob. Guddi kale oo shan (5) xubnood ka kooban ayaa loo diray in ay hubin iyo hagaajin ku sameeyaan. Afar (4) beri gudahood ayaa guddiga dambe ku soo saarey dastuur ka kooban todobo (7) qodob oo kala saaraya awoodaha, isu dheelitirnaanta iyo isla xisaabtanka Xukuumadda, Wakiilada shacabka/gobolada iyo Garsoorka.

Waxaa cajiib ah in aan dastuurrada Mareykan iyo India, midna teeb iyo kambayuutar lagu garaacin qoraalkooda ee khad riiqan, qori xalleef ah, gacan iyo warqad lagu qoray. Dastuurka Mareykan ninka gacanta qoray oo la yiraah Jacob Shallus ayaa khidmad ahaan u qaatay sodon ($30) dollar oo maanta u dhiganta siddeed boqol iyo sodon ($830) dollar.

February 16, 2004 ayaa dastuurkeenna soo bilowday. Todobo iyo toban (17) sano kaddib waa mashruuc aan dhammaan oo weli qabyo ah. Labo (2) guddi oo midi Baarlamaan yahay iyo guddi madax bannaan iyo Wasaaradda Dastuurka ayaa tafaha wada heysta dastuurkeenna.

Sidaan ma ku helaynaa dastuur rasmiya? Mise James Swan ayaan u dirsannaa dhammeystirka dastuurka?

Waxaa Qoray: Mahad Geelle

Hadalsame Media