Wiil Falastiini ah oo qoorta xabbad looga dhuftay isaga oo Ciidanka Israel kula dheggan matoor ay ka xoogayeen (Daawo)

0

(Khaliil) 02 Jan 2021 – Ciidamada Israel ayaa qoorta xabbad uga dhuftay wiil 24-jir ah oo Falastiini ah oo kula dhegganaa matoor uu lahaa oo ay xoog uga qaadanayeen.

Wiilka oo lagu magacaabo Harun Abu Aram, ayaa haatan isaga oo garaab ah isbitaal yaalla, iyadoo ay arrintan soo bandhigeen urur xuquuqda insaanka u dooda oo isla Israeli ah oo la yiraahdo B’Tselem.

Shilkan ayaa ka dhacay xaafadda A-Rakeez ee koonfurta buuraha magaalada Khaliil, iyadoo Abu Aram, oo ay wehliyeen 3 nin oo kale oo Falastiini ah oo aan la carrabaabin ay hardan kula jireen 5 askari oo Yuhuud ah oo ka xoogayey matoor korontada dhaliya.

Waxaa muuqaalka laga arki karaa Abu Aram, oo isaga oo kaba la’aan ah matoorka kula dheggan askarta, iyadoo uu mid askarta ka mid ihi uu madaxa uga garaacayo qorigiisa.

Dhowr qof oo ay ku jiraan ugu yaraan 2 haween ah ayaana kusoo baxaya goobtan foowdada ah kahor intii aanay kaamaradu u weecan jaayga dhulka waxaana deeto la maqlayaa hal xabbo oo ay xigayso Abu Aram oo dhulka yaalla isaga oo aan dhaqaaqayn.

Deeto askarta Yuhuudda ayaa dib uga guranaysa goobta, jeer ay dadkii ku dul ooyayaan wiilkii oo garaab ah iyagoo u qayshanayaa gaari isbitaalka ula orda.

Ururuka B’Tselem ayaa sheegay in Abu Aram uu caawinayey cid ay deris yihiin oo guri dhisanaysey shilka kahor, iyadoo ay ciidanka Yuhuuddu gurigiisa (Abu Aram) burburiyeen 25-kii Nofeembar.

“Abu Aram waxaa rasaastu ay ka haleeshay qoorta iyada oo af-saar ah, iyagoo xitaa xabadeeyey gaarigii u yimid inuu isbitaalka u qaado.” ayay yiraahdeen dad goob joog ahaa oo la hadlay B’Tselem oo sheegay in Israel ay dhaqan gelisey siyaasad ah in la dhibo dadka Falastiiniyiinta ah ee dhulalka laga qaadanayo si ay uga quustaan inay sii joogaan goobihii laga xoogey.

Falastiiniyiinta Koonfurta Khaliil sida xaafadaha A-Rakeez, Masafer Yatta, iwm, ayaa haatan Maxkamadda Sare ee Israel ka sugaya inay arrintan xukunto, iyadoo ay u badan tahay inay xukunto in dad ka badan 1,000 Falastiiniyiin ah xoog looga raro guryohooda halkaa ku yaalla si loo dejiyo Yuhuud cusub.

Hadalsame Media