“Waan garab taagnaanaynaa Somalia” – Turkiga oo war kasoo saaray qarax lala eegtay injineerro Turki ah (Dhimasho & dhaawac jira)

0

(Muqdisho) 02 Jan 2021 – Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa ka hadashay weerar ujeeddo xumo ah oo saaka lagu qaaday injineerro iskugu jira Soomaali iyo Turki oo ku howllan dhismaha jidka Muqdisho-Afgooye.

Safaaradda ayaa sheegtay inay weerarka ku dhinteen 4 qofood oo mid Turkish yahay, halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo ay 4 Turkish yihiin.

Waxay Safaaraddu intaa raacisay inay si dhow ula soconayso arrintan, iyadoo sheegtay in dhismaha jidkani uu kaliya caawinayo baraaraha Somalia.

Waxay mar kale ballan qaadday in ay taageerayaan dalka Somalia oo ay ku tilmaameen walaal iyo saaxiib.

Hadalsame Media