Bir ka samaysan aasto ifaysa oo lagu arkay meelo dunida ka tirsan oo kasoo baxday magaalo ku taalla Hindiya + Sawirro

0

(Ahmedabad) 02 Jan 2021 – Bir 3 xagal ah oo aasto ifaysa ah oo meelo kala duwan oo dunida ah lagu arkay ayaa haatan sidoo kale laga helay jirdiino ku taala Ahmedabad ee Gujarat, India.

Birtan laga helay Symphony Forest Park ee Thaltej ayaa qaab ahaan la mid ah kuwo Nofeembar horay loogu arkay gobolka Utah ee Maraykanka, sida uu qorayo The Indian Express.

Waxaa la sheegay in ay ku qoran yihiin lambarro la sheegay inay tilmaamayaan jacaylka dabeecadda iyo ilaalinta ama dhowraarinta duur-joogta.

Dadka arrimahan u dhuul daloola ama aaminsan aragti-dhagareedyada ayaa bishii Nofeembar hawada galay kaddib markii birtan lagu arkay Utah ee misna maalmo yar kaddib meeshii laga waayey, waxay xitaa ku misaaleen film-ka mala awaalka ah ee eople even drew comparisons ee 2001 soo baxay ee Space Odyssey.

Yeelkeede, mid ka mid ah Dowladda Hooe ee Ahmedabad ayaa saxaafadda u sheegay inay birtan meesha dhigeen dadka ka shaqeeya jardiinada.

Hadalsame Media