”Arrintan wax hallaga qabto!” – Baxrayn oo markale ka qaylisiisay Qadar (Cidda Baxrayn adeegsanaysa & dacwo kale oo ay Dooxa u gudbisey QM)

0

(Dooxa) 02 Jan 2021 – Wasaarad Dibadeedka Qadar ayaa QM ogaysiisey in doonyo ay leeyihiin Ciidanka Badda Baxrayn ay kusoo xad gudbeen biyaha maxalliga ah ee Qadar, jeer la dhowrayo kulanka Iskaashiga Khaliijka ee dhamaadka todobaadkan ka dhacaya Riyaad.

Waa markii 2-aad ee todobaad wax ka yar ay Dooxa ay QM ku ashtakayso Baxrayn oo ay ugu eedeeysay inay hawadeeda soo gashay, iyadoo dhaqaaqyada Baxrayn ay fashili karaan dedaallada lagu doonayo in lagu dhameeyo khilaafka Khaliijka.

Dooxa ayaa 29-kii Diseembar, waxay Golaha Amaanka u gaarsiisey dacwo ka dhan ah dayuurado millateri oo ay leeyihiin Baxrayn oo soo galay hawadeeda, falkaasoo dhacay 9-kii Diseembar.

Alya bint Ahmed Al Thani, oo ah Danjiraha Qadar ee QM ayaa ku baaqday in dhaqse wax looga qabto wax ay ku sheegtay “xadgudub ay Baxrayn u gaysanayso madax bannaanida geyi ee Qadar”.

Baxrain ayaa ka mid ah afarta dal ee go’doominaya Qadar, iyadoo la fahamsan yahay in ay Israel hoos kasoo juqayn karto Baxrayn oo xiriir rasmi ah la samaysatay, jeer ay Qadar diiddey xiriir toos ah.

Hadalsame Media