“Ayeeydeey baa Faransiis ah!” – Aabbaha RW UK oo qirtay inuu qaatay Baasaboorka Faransiiska habeenkii ay UK ka baxday EU

0

(London) 01 Jan 2021 – Aabaha RW Boris Johnson ee Stanley ayaa xaqiijiyey inuu qaatay Baasaboorka Faransiiska isla fiidnimadii ugu dambaysey ka mid ahaanshiyaha UK ee EU.

Mar uu waraysi siinayey Idaacadda Faransiiska ee RTL, ayaa sheegtay inuuba Faransiis yahay.

“Su’aali kama taagna Faranjinimadayda. Hooyadey waxay ku dhalatay France, hooyadeed iyo ayeeydeedna waxaya wada ahaayeen Faransiis,” Ayuu ku dooday.

“Aniga ahaan waxaan qaatay xaq aan horayba u lahaa waana ku faraxsan ahay.” ayuu raaciyey.

Johnson, 80-jir, ayaa 40 sano ahaa Xildhibaan fadhiya Baarlamanka Yurub (MEP) wuxuuna ka mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee British ah ee ka howlgala Brussels kaddib markii ay UK ku biirtay Midowga Yurub.

Wuxuu ka mid ahaa dadkii aadka ugu ololaynayey in UK aysan ka bixin EU 2016-kii, halka wiilkiisu uu doonayey Brexit oo uu been badan uga sheegay bulshada Britain.

Dadka arrimahan u dhuul daloola ayaa dareensan in horseedka bulshada (elites), taajiriinta iyo duqoowda howlgabka ihi ay yihiin kuwa isu kaashaday in UK laga saaro EU, balse aan iyaga dhibku soo gaari doonin.

Hadalsame Media