MW Farmaajo oo galabta sameeyay arrin aad loogu dhaliilay & waxa uu falkaasi muujinayo

0

(Muqdisho) 31 Dis 2020 – Dadwaynaha ayaa aad u dhaliilay sida uuMW Farmaajo u wajahey ciyaaraha maamullada oo Muqdisho galabta lagu soo abyey.

MW Farmaajo ayaa goor dhowayd u hambalyeeyey kooxda Banaadir oo hanatay Koobka Maamullada kaddib markii ay 3-0 rigoorayaal ah dirtay Galmudug oo ay 2-2 isla dhaafi waayeen.

“Hambalyo kooxda Banaadir laacibiinteeda, tabarayaasheeda iyo taageerayaasheeda waxaad soo bandhigteen ciyaar ay xirfaddeedu sarrayso.” Ayuu yiri MW Farmaajo oo maanta Villa Somalia ku dhex daawanayey ciyaarta.

Waxaan sidoo kale iman madaxda kale ee sar sare ee DF Somalia.

Dadwaynaha ayaa aad MW ugu dhaliilay in ka maqnaanshihiisa ciyaartii galabtu ay mar muujinayso inuusan haynin xiisihii iyo firfircoonaantii hore.

Qaar kale ayaa sidoo kale qaba in Madaxaynuhu aanu ku kalsoonayn amaanka, isagoo aan muddaba kasoo muuqanin madlaha magaalada.

Hadalsame Media