Maxaa af-Soomaali lagu dhihi karaa min RW, Wasiir, Wasaarad, Senetar iwm? Ka faa’iidayso qormadan

0

(Hadalsame) 31 Dis 2020 – Afku waa unugga weeleynta, fekerka iyo hal abuurka. Erey bixinnada la xiriira dowladnimada, darajada iyo kala sarreynta howl—wadeennada dalka iyo dadka u shaqeeeya, afkeenna ereyo ku habboon waa buux.

Erey saleedyada gundhigga u ah dowladnimaddeenna dhamaan waa laaji marka dhowr erey laga reebo sida ‘‘Madaxweyne, Xildhibaan, Agaasime iyo Maareeye iwm’’.

Dhamaan ereyada Ra’iisl Wasaare, Wasiir, Wasaarad, Safiir, Safaarad iyo Senator iwm, waa ereyo tabal caaro ah.

In madaxda heer federaal iyo gobol erey/magac bixin u kala helno waa sahlan tahay oo dhalinyaro ayaaba isku dayo wanaagsan bilaabay. Akhyaartaan waxaan ka xusi karaa Cabdinuur Soofe iyo Cabdirisaaq Baraag.

Hayeeshee mashaqada dowladnimada innaga heysata waa ka gun iyo baac—dheer tahay darajada ‘‘Madaxweyne’’ iyo cidda mudan.

Dowladnimadu waa heybad midnimo, wadajir iyo wax wada qabsi inoo horseedi karta innaga oo beelo u kala naal. Walax aan afka, isirka iyo midabka aan leennahay inoo horseedi karin ayaa dowladnimadu inoo hor kici kartaa. In aan dowladnimo wanaagsan oo waarto helno waxaa bud-dhig u ah dastuur aan wadajir u ayidno oo diinteenna waafaqsan.

Ereyga ‘‘Madaxweyne’’ sida aan hadda u isticmaalno waa isku dhigid, kala dhihid iyo kala macno, oo nuxurkeedu yahay waan naqaan ruuxa dalka Madaxweynaha ka ah.

Waxaa Qoray: Mahad Geelle

FG: Aragtidan waa la ballaarin karaa, lagu raaci karaa ama si kale loo dhigi karaa.

Hadalsame Media