Masar oo dayuuradeheeda dagaalka & kuwa madaxda ku xiraysa qalab casri ah oo difaacaya + Sawirro

0

(Qaahira) 31 Dis 2020 – Masar ayaa iibsanaysa 20 xabbo oo ah aaladda casriga ah ee dhanka shiishka iyo bar-garashada halista dayuuradaha ka caawisa ee AN/AAQ-33 taasoo ay samayso Lockheed Martin.

Sharikadda Iskaashiga Amaanka Gaashaandhigga ee DSCA ayaa sheegtay in ay labada dhinac kala saxiixdeen qandaraas ku kacaya $65.6 milyan oo doollar, waloow aysan sheegin nooca dayuuradaha lagu xirayo misna waxaa loo badinayaa in lagu xiri karo raxan ka mid ah 200 oo dayuuradood oo F-16 ah oo ay leeyihiin Ciidanka Cirka Masar.

Sharikaddan Agabka Ciidanka samaysa ee Maraykanka ayaa sidoo kale Masar ka iibinaysa hannaanka kulaylka wax ku arka ee LAIRCM oo lagu xirayo Dayuuradda Madaxwaynaha oo ah nooca Airbus 340-200 iyadoo uu qalabkani ku kacayo $104 milyan oo doollar.

Qalabkan dambe waxaa farsamaysa Northrop Grumman waxayna dayuuradda wayn ee Airbus ka kaalmaynaysaa inay la macaamisho haddii lagu soo qaado weerar gantaal.

Hannaanka laysarka ku shaqeeya ee LAIRCM ayaa lagu xirayaa garbaha dayuuradda wuxuuna dayuuradda ka saacidayaa inuu si buuxda si hordhac ugu ogaado gantaalka soo socda, uu garto inuu halis yahay isla markaana uu howlgeliyo tillaabadii lagu burburin lahaa oo deg deg ah.

Hadalsame Media