Maraykanka oo ka walaacsan in Ciidanka Danab loo adeegsado arrimo siyaasadeed & qorshaha uu maaggan yahay

0

(Muqdisho) 30 Dis 2020 – Maraykanka ayaa sheega inuu sanadihii tegey Somalia ku bixiyey balaayiin doollar, waxaana uu lacagtaa qaarkeed ku khasiray tababarka Ciidanka Komaandooska ah ee Danab ee la dagaallamaya kooxda al-Shaabab, sida uu qoray Washington Post.

Haatan, ciidanka Maraykanka ayaa boqollaal askari oo Somalia ka jooga la baxaya, sida uu amray maamulka Trump, waxaana haatan jirta cabsi ku saabsan in ciidankaa loo adeegsado howlo siyaasadeed taasoo lagu eedaynayo DF oo wajahaysa cabasho baahsan oo ku saabsan Doorashada 2021 oo lagu wado Febraayo.

Markii hore, “haddii ay dowladdu isku daydo inay siyaasad u adeegsato Ciidanka Danab, Maraykanka ayaa dhihi jirey halla joojiyo warkaas,” ayuu yiri Ahmed Abdullahi Sheikh, oo ka mid ahaa taliyeyaasha sare ee Danab min 2016 ilaa 2019-kii.

“Taasi waa shuruuddii tababarkeenna lagu xirey, si aynaan siyaasad u gelin. Taas la’aanteed, hab-howleedkeenna difaac maba jireen.” ayuu daba dhigay, isagoo rajeeyey in ciidankan oo gaaraya 1,150 askari aan arrintaa loo adeegsan doonin.

Ciidanka Danab ayaa ah kuwa ugu waxgalsan Ciidanka Xoogga marka ay timaado tababarka ay qabaan, qalabka ay haystaan iyo hab-raacooda ciidan oo ku dhowaad ah mid xirfadlenimo, balse Axmed ayaa ka walaacsan inay dhumiyaan sumcadda, daafadda iyo kalsoonida ay shacabku ku qabaan, haddii ay siyaasadda dhex galaan.

officer based in the central Somali city of Galkayo said he has worried about his comrades’ reputation as being apolitical every day since the announcement that the Americans were leaving.

Yeelkeede, Taliye Christina Gibson, oo ah afhayeenka Ciidanka Maraykanka ee Africom ayaa sheegtay in “aanay joojin doonin xiriirka muhimka ah ee ay la leeyihiin Danab, balse taa biddaalkeeda ay diyaarinayaan tababarro gaar ah.”

Somali police officers tow their car from the scene of a roadside explosion in the Hodan district of Mogadishu in July.
Gaari booliis la jiidayo kaddib qarax lagula eegtay Hodan bishii Luulyo

Dhanka kale waloow go’aanka bixitaanka ciidamadan la sheegayo inuu yahay go’aan aan xambaarsanayn nuxur istaraatiji ah oo uun kasoo fulay Trump, misna MW xilka la wareegaya ee Biden ayaan ka hadlin waxa ay Washington ka yeelayso marka uu talada qabsado 20-ka Jannaayo, yeelkeede, ma dhib badna in ciidankan Somalia lagu soo celiyo marka ay tagaan Jabuuti iyo Kenya, maadaama ay kaabayaal fiican ku leeyihiin Somalia.

Hadalsame Media