Israel oo Carabta ay xiriirka la yeelatay u bandhigtay qorshe HALIS ah oo ay kula wareegayso Masjidka Aqsaa & guud ahaanba Quddus (Arag xeesha)

0

(Quddus) 31 Dis 2020 – Israel ayaa iyada oo ka faa’iidaysanaysa dalal uu Maraykanku qaab jeego dharbaax ah ugu soo gacan geliyey oo ay madaxdoodu sheegeen inay la heshiiyeen, waxay daboolka ka rogtey xeelad halis badan oo ay ku doonayso inay si buuxda ugula wareegto barakaysan ee Masjidka Aqsaa oo ay iminkaba dusha sare ka xukunto, ayay qoraalkeeda ku bilowday Yvone Ridley.

Israel ayaa iyada oo mareeysa xiriirka ay dhowaan la yeelatay dalal dhowr ah oo Carbeed sida Imaaraadka, Baxrayn iyo Marooko, waxay doonaysaa inay madaxdooda ka dhamayso inay ku doodaan inay door ku yeeshaan Masjidka Aqsaa si la mid ah Makkah iyo Madinah oo ay Sucuudigu maamulaan, Sucuudiga laftiisa oo wax la wada balse weli is qarinaya ayaa laftiisa loogu baaqay inuu door ku yeesho meelaha barakaysan ee Quddus, si loo barabixiyo Falastiin iyo Urdun oo hadda howshaa qabta.

Israel ayaa sidoo kale doonaysa inay meesha ka saaraan ururro khayri ah iyo hay’ado samafal oo Turki ah oo Quddus ku sugan kuwaasoo saamayn badan halkaa ku leh kaalmo badanna siiya reer Falastiin, iyagoo hiillada Turkiga ku tilmaamay ”mid halis ku ah amaankooda qaranka.” Turkiga waxaa halkaa ka saaray gumaysigii Galbeedka Dagaalkii 1-aad ee Yurub.

Sida uu qabo falanqeeyaha MEMO oo ku xeel dheer Bariga Dhexe, Dr Adnan Abu Amer, waxaa uu qorshuhu ku dhisan yahay hindise uu keenay Wasiirka Arrimaha Quddus ee Israel, Rabbi Rafi Peretz, kaasoo keenay qorshe lagu doonayo inay sanadkii marti geliyaan ilaa 2 milyan oo dalxiis Carbeed ah oo u badan Imaaraati, kuwaasoo la keenayo Quddus, taasoo deeto Israel u sawiraysa dal si caadi ah uga taliya halkaas isla markaana Masjidka laftiisa hoos gaynaysa nidaamkooda.

Waxay sidoo kale fogaynaysaa riyadii reer Falastiin oo tobannaan sano ku taamayey inay samaystaan wasaarad dalxiiska diimeed ugu qaybsan oo maareeysa arrimaha goobaha barakaysan ee Quddus oo haatan u muuqata mid farahooda looga saarayo adeegsiga Carab kale.

Tusaale, UNESCO ayaa Masjidka Aqsaa u aqoonsan meel ay si buuxda u leeyihiin Muslimiintu oo aan wax xiriir ah la lahayn Yuhuudda ku doodaysa Temple Mount, yeelkeede, Imaaraadka ayaa markii uu heshiiska la galay wuxuu Israel u ogolaaday inay xaq ku leedahay Masjidka, balse ma jiro awood iyo sharciyad ay UAE u leedahay inay go’aankaa gaarto.

Israel waxay haddaba gacmaha ku haysaa tarraq, halka ay heshay ”dabbaallo lagu danaysto” (useful idiots) oo diyaar u ah inay tarraqa shidaan, iyadoo salaad munaafaqadi ku jirto oo ay Imaaraatiyiintu kusoo dukadaan Quddus si ay ugu duceeyaan heshiiska ay dowladdoodu ay ku tumanayso qaddaasadda Masjidka.

Nabadi waxay kaliya iman kartaa marka meel la saaro xorriyadda, cadaaladda iyo soo laabashada qaxootiga reer Falastiin, taasi waa waxa ay tahay inay u istaagaan Muslimiinta oo dhami, iyagoo sidoo kale ilaalinaya maqaamka Masjidka Aqsaa iyo meelaha kale ee barakaysan.

Waxaa Qortay: Yvone Ridley

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media