Weriye ka mid ah kuwa ciyaaraha ka faallooda ee ugu caansan Sweden oo amaan kala dul dhacay Ciyaaraha Gobollada Somalia (Daawo)

0

(Stockholm) 30 Dis 2020 – Weriyahs caanka ah ee Erik Niva oo ka mid ah ragga ugu tunka roon ee ciyaaraha falanqeeya ayaa amaan kala dul dhacay Somalia.

Weriyahan oo ka tirsan hilinka wayn ee SVT ayaa Twitter kusoo qoray inuu dhararayo inuu Somalia tago, taasoo uu abid jeclaan jirey balse ay haatan ugu dhowdahay.

“Waa iftiin, waa qorrax, waxaana markale buuxa kataangaha taageerayaasha, farxad ayaannu kula soconnaa ciyaaraha gobollada ee sanadkan la dheelayo markii ugu horreeysey tan iyo dagaalka sokeeye ee cirka ku shareermay 1991-kii.” Ayuu soo qoray Niva.

Sixitaan yar: Dufcaddani waa tii 3-aad ee ciyaaraha gobollada Somalia oo ay sidoo kale muddo dheer ka qabsoomayeen ciyaaro fara badan oo dib loo bilaabay tan iyo bartamihii 80-meeyadii.

Hadalsame Media

Facebook Comments