“Siilaanyo sidaa ma oran jirin!” – Shacabka Somaliland oo qaadan la’ hadal uu meel madal ah ka sheegay MW Muuse Biixi (Daawo waxa uu sheegay)

0

(Hargaysa) 30 Dis 2020 – MW Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa casuumey carada dadwaynaha kaddib markii uu sheegay hadal ay qaar badani ku tilmaameen mid aan madaxwayne u “qalmin oo qaybiye ah.”

Biixi oo ka hadlayey meel ka tirsan galbeedka Maamulka Somaliland ayaa dadka ula hadlay qaab uu adeegsanayo magac u yaal isaga ku daraya gobol gaar ah.

“Haddaanu nahay galbeedka waxaannu ku faannaa 3 waxyaabood; nabad jacayl, cilmi iyo barwaaqo (cagaar).” Ayuu ku yiri dadkii uu la hadlayey.

Biixi ayaa u muuqdey inuu warka u adeegsanayey qaab uu ku doonayey inuu dadka halkaa deggan ku dhiirri geliyo inay dhowraan nabad jacaylka ay sheegtaan.

Yeelkeede, dadwaynihii ayaan jeclaysanin inuu Biixi u hadlo gobol gaar ah iyadoo hadalkiisa aad loogu cambaareeyey baraha bulshada.

“Dalka miyaanu madaxweyne u wada ahayn maxaa gobolo jeclaysiga keenay farahaagu miyaaney isku mid ahayn miyey ku kala xigaan Siilaanyo muu odhan jirin inaga oo reer bariya.” Ayuu soo qoray qof warkan ka fal-celinayey.

Hadalsame Media