”Hasoo dhaafin khadka cas!” – Iiraan oo digniin u dirtay Maraykanka & Israel (Gujisyo loo diray Gacanka)

0

(Tehraan) 30 Dis 2020 – Tehraan ayaa ku gooddisey inaysan faraha laaban doonin oo ay is difaaci doonto, iyadoo Maraykanka iyo Israel cod dheer ugu sheegtay inay iska jiraan “tacabbur halis ah” oo ay isku dayaan maalmaha yar ee ka harsan muddo-xileedka Donald Trump.

Ciidanka Badda Maraykanka ayaa todobaad kahor waxay Gacanka Beershiya geeyeen gujis nukliyeerka xambaara oo ay gelbinayaan raxan ka mid ah maraakiibta dagaalka ee Maraykanka.

Warbaahinta Yuhuudda ayaa iyaduna inyar kaddib sheegtay inuu Hilinka Suways ka gudbey gujis ay leeyihiin Ciidanka Badda Israel oo isna ku wajahan isla Marinka Hormuus iyo Gacanka.

Warkan dambe ma aanay xaqiijin Dowladda Tel Aviv, balse si kastaba Tehraan ayaa dhinacyada ay khuseeyso xusuusisay inay khad cas u dhigtay wixii wax u dhimaya amaankeeda qaran.

“Qof kasta waa ogyahay waxa uu Iiraan uga dhigan yahay Gacanka Beershiya iyo amaankeeda qaran,” ayuu yiri Afhayeen u hadlay WaD Iiraan, Saeed Khatibzadeh.

“Way ka warqabaan halista dhaafidda khadka cas.” ayuu raaciyey.

Tehraan ayaa Israel ku eedaysay inay waddo olole ka dhan ah Israel oo uu ugu dambeeyey khaarajintii saynisyahankii Mohsen Fakhrizadeh.

Hadalsame Media