”Dad baa igu yiri ”waa ku sugtay inaad Puntland lugtaada isku bartay laakiin…” – Saqraawi oo waraysi rasmi ah bixiyey (Daawo)

0

(Muqdisho) 29 Dis 2020 – Maxamed Maxamuud (Saqraawi) oo Galmudug u dhaliyay labo gool oo ka hadlaya qaabkii uu ugu soo biiray Galmudug ayaa aad looga hadal hayaa baraha bulshada, iyadoo ay dadka qaar oo aan wax badan ka fahamsanayn sida ay ciyaaruhu u qaabaysan yihiin ay xitaa la yaabeen inuu u dheelo gobol aan ahayn midka uu ku dhashay.

Haddaba, Saqraawi ayaa markii ugu horreeysey ka sheekeeyey sida uu ku yimid kooxda Galmudug oo uu lugtiisa ugu soo saaray dhamaadka Koobka Maamullada oo ay nus-dhamaadka uga badiyeen isla Puntland oo uu horay uga tirsanaa.

Wuxuu sheegay in ay Galmudug kasoo qaatay kooxda Degmada Hodan oo uu ku metelayey ciyaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir, isagoo tilmaamay in laacibku uu yahay xirfadle oo ay tahay inuu ciyaaro oo shaqadiisa guto xitaa haddii uu kasoo horjeedo gobolka uu ku dhashay.

Saqraawi ayaa sheegay inuu kusoo barbaaray magaalada Boosaaso oo ka tirsan Maamulka Puntland, isagoo sheegay in Galmudug ay xirfaddiisa qiimeeyeen sidaana kusoo qaateen, isla markaana aanay cidina waydiinin meesha uu kasoo jeedo.

Sidoo kale, Macallinka Galmudug Axmed Tahliil, ayaa sheegay inuu qishkiisa siiyey Macallin Cabdifitaax oo laylinayey kooxda Degmada Hodan kaddibna ay ku qanceen, wuxuuna sheegay in ciyaaruhu aysan ahayn sheeko qabiil ku dhisan oo aysan micne samaynayn meesha uu qofku ka yihim iyo qabiilka uu ka dhashay balse waxa muhimka ihi ay yihiin ciyaarista kubadda oo ah is dhexgalka bulshada.

Wuxuu kaloo sheegay inay nasiib darro tahay waxyaabaha la isla dhexmarayo dhanka baraha bulshada, balse ay iyagu ka eegayaan dhanka wanaagsan oo taageerada iyo niyad-dhiska u muujinaya Saqraawi oo xitaa lagu sharfay kabtanka Galmudug.

”Dad badan baa isoo wacay iyagoo iigu mahad celinaya inaan lugtayda isku baray Puntland, balse aniga ujeedkaygu maba ahayn inaan Puntland is baro, balse shaqadayda ayaan qabsanayey oo waajib i saaran ayaan gudanayey oo iyaguna guul ayay doonayeen aniguna guul, marka raalli ha noqdeen.” ayuu yiri Saqraawi.

Saqraawi ayaa sheegay in rajadiisa ugu wayn kubadda cagtu ay tahay inuu u safto Xulka Qaranka Soomaaliya ee Buluugleeyda, taasoo uu ku sheegay halka ugu sarreeysa ee uu gaari lahaa.

Hadalsame Media