”Waa cambaar nagu taalla” – Ilhaan Cumar oo weerar ku qaadday arrin uu sameeyey Donald Trump

0

(Washington, DC) 28 Dis 2020 – Xil. Ilhaan Cumar ayaa weerar adag ku qaadday MW Donald Trump oo cafiyey niman dilayaal ah oo ka tirsanaa Blackwater oo lagu helay inay 2007-dii laayeen 17 qofood oo Ciraaqi ah, kuwaasoo 14 ka tirsani dad rayid ah ahaayeen, weliba ay 2 carruur ahayd.

Raggan qaatiliinta ah oo uu cafiyey 22-kii Diseembar, ayay maxkamadi ku heshay dembiga ah in ay dadka ku laayeen fagaaraha Baqaad ee Nisour Square 16 Sebtembar 2007 taasoo noqotay fadeexad caalami ah oo xitaa dood ka dhalisay joogista Maraykanka ee Ciraaq.

Waxaa sidoo kale toogashadan ku dhaawacmay 17 kale oo Ciraaqi ah, waxaana cafintan ”mid cambaar leh oo ceeb ku ah cadaaladda” ku tilmaantay Ilhaan Cumar.

“Todobaadkan, Donald Trump ayaa cafin shuruud la’aan ah u fidiyey 4 qandaraas qaate oo ka tirsan Blackwater. Taasi waxay sharaf dhac ku tahay dalkeenna iyo xeerkiisa.” ayay tiri Ms Cumar oo Degmada Shanaad ee Minnesota ku metesha Aqalka Wakiillada ee Koongarayska qaybta Dimoqraadiga.

Adam Schiff, oo ah Madaxa Guddiga Sirdoonka ee Aqalka Wakiillada, oo sidoo kale Dimoqraadi ah ayaa isna weerar ku qaaday tillaabadan liidata ee Trump, sida ay werisey AFP.

“Haddii aad been sheegto si aad u qariso madaxwaynaha cafis ayaad tahay. Haddii aad musuq tahay waxaa ku taageeraya Trump. Haddii aad rayidka layso adiga oo dagaal ku jira waxaa ku cafinaya Trump. Waxaannu gaarney meel aad u hooseeysa.” ayuu yiri Schiff oo war soo saaray.

Hadalsame Media