JOOJI: Laba arrimood oo aan wanaagsanayn oo laga calaameeyey ciyaaraha Maamul-goboleedyada

0

(Hadalsame) 26 Dis 2020 – Waxaa nus-dhamaad soo gaarey Koobka Maamul-goboleedyada dalka oo haatan ka soconaya magaalada Muqdisho oo markii 3-aad oo xiriir ah martigelinaysa.

Ciyaaruhu aalaaba waxay abuuraan jawi isdhexgal bulsho oo inta badan ka caafimaad qaba aragti siyaadeed mid qabyaaladeed iwm.

Yeelkeede, waloow uu ujeedku sidaa yahay waxaa ciyaaraha maamullada ka dhadhamaysa taageero qabyaaladaysan, halkii kooxda lagu xulan lahaa ciyaar wanaag, taariikh guuleed oo ay leedahay iwm.

Waxaan xusuustaa anagga oo ka lugayna dhanka koonfurta Muqdisho oo ciyaaro ka dhacaya Koonis oo ku yaalla woqooyiga Muqdisho u daawasho tagna, qaarkeen waxay taageerayaan kooxo ka dhisan woqooyiga Muqdisho, halka woqooyiga deggan ay taageeri jireen kooxo ka jirey koonfurta.

Sidoo kale ayay dadka woqooyiga joogey ay koonfurta ugu iman jireen ciyaaro kala duwan oo lagu qaban jirey, weligay xitaa ma dareemin in dadka ciyaaraha sida joogtada ah u taageera ay koox ku xulanayeen qaab reeraysan iyo wax u dhow.

Hadda oo la joogo 2020, waxaan dareemayaa in uu qof kasoo horjeesanayo koox ka dhisan magaaladii uu ku dhashay isagoo weliba la bareerayana uu leeyahay waxaan taageerayaa kooxda ”awoowgay”, waxaasi ma aha dhaqan ciyaareed, waloow aan dareemayo in dadka sidaa u hadlaya ay u badan yihiin dad aan reer ciyaareed (sportivo) ahayn, misna waa arrin ceeb ah sideedaba.

Beri dhowayd markii ay ciyaaruhu ka socdeen Somaliland, ayaa waxaan marar badan arkayey odayaal iyo haween shir jaraa’id u qabanaya qaab beeleed, iyaga oo sheegaya in uu garsooruhu koox ay is xijinayaan rigoore ka diidey, mid khaldan ka dhigay ama hobseed ku fasaxay.

Yeelkeede, waloow aanan koonfurta ku arkin odayaal shir jaraa’id qabanaya misna weli qabyaaladdu waa ka dhex muuqataa ciyaaraha gobollada waana dib u dhac niyadeed iyo jirdil dhanka garaadka ah runtii (cognitive torture).

Waxaa dheer, in si wayn loogu tacaluqayo calamada gobollada oo uu garoonka oo dhami noqonayo calan gobol, halkii lasoo qaadan lahaa middabada maaliyadda kooxda, waxaa kale oo yar in aad aragto koox wata calankii buluugga ahaa ee dalku lahaa.

Sidaa darteed, labadaa arrimoodba waa in la joojiyaa haddii la doonayo inay ciyaaruhu yeeshaan saamaynta togan ee looga baahan yahay. Ciyaaruhu waa inaysan noqonin wax umadda kala qaybiya ama qabyaaladda dhiirri geliya.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media