”Miyaa nala siray?” – Shacabka UK oo shaki ka muujiyey sida ay madaxda Midowga Yurub usoo wada dhoweeyeen heshiiska (Arag fal-celinta madaxda EU)

0

(Bruselss) 25 Dis 2020 – Madaxda dalalka Midowga Yurub ayaa ka ka falc-celiyey heshiiska Brexit ee shalay la saxiixay oo ay aad u dhaliilsan yihiin dad badan oo British ah oo aaminsan in Brexit aysan wax ridan ku helin balse ay wax badan ku waayeen.

”Waxaa woxoogaa naloo yara kordhiyey qoondadii kalluumaysiga, balse wax kasta oo kale waa nalaka qaatay.” ayuu yiri nin Ingiriis ah, iyadoo ay dadku shaki ka muujinayaan fal-celinta inta badan togan ee ay madaxda EU heshiiska ka bixiyeen.

Qaar baa xitaa is waydiinaya inuu RW Boris Johnson uu shacabka been uga sheegay heshiiska oo aan weli si buuxda loo arag kana kooban 2,000 oo bog.

Hoos ka akhri fal-celinta madaxda:

Ursula von der Leyen, Guddoonka Komishanka Yurub

“Wuxuu ahaa jid dheer, balse ugu dambayn waxaan gaarney heshiis cadaalad ah oo miisaaman.”

Michel Barnier, madaxda wadaxaajoodka EU

“Maanta waa nafisney”

Angela Merkel, Shansalarka Jarmanka

“DF Jarmanku si deggan ayay u eegi doontaa heshiiska, si aannu u eegno in aan taageeri karno, waloow aannu wadahadalka si dhow ula soconney.”

Micheál Martin, RW Ireland

“Ma jiro Brexit sahlan, balse waxaan ku dadaalney inaan yarayno saamayntiisa xun ee dhanka Ireland.”

Emmanuel Macron, MW France

“Midnimada iyo xoogga Yurub ayaa guulaystey, waa asaasi in aannu ilaalinno kalluumaysatadeenna, wax soo saarkeenna.”

Giuseppe Conte, RW Talyaaniga

“Waa war san: Danaha iyo xuquuqaha muwaadiniinta Yurub waa la ilaaliyey.”

Pedro Sánchez, RW Spain

“Waa heshiis wanaagsan. Hambalyo Michel Barnier, Ursula von der Leyen iyo kooxdooda. Spain & UK waxay ka wada hadli doonaan arrinta Gibraltar.”

Sebastian Kurz, Shansalarka Austria

“Waan soo dhowaynayaa heshiiska.”

António Costa, RW Portugal

“Waxaannu si diirran usoo dhowaynaynaan heshiiska. UK waa olog, deris yo jaal.”

Mark Rutte, RW Holland

“Waa khabar wanaagsan, waase eegi doonnaa waayo aad buu muhim noogu yahay.”

Stefan Löfven, RW Sweden

“Aad baan ugu faraxsan ahay in wadahadalkii uu ugu dambayn miro dhalay.”

Alexander De Croo, RW Belgium

“Waan soo dhowaynayaa heshiiska, balse waa in aannu sharikaadka Belgium ka ilaalinnaa tartan aan cadaalad ahayn oo uga yimaada kuwa Britain.”

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media

Facebook Comments