Masar oo Somalia la yeelanaysa xiriir ku diraya Turkiga iyo Itoobiya & digniin laga bixiyey (Qorshaha)

0

(Qaahira) 25 Dis 2020 – Waxaa 6-dii bishan magaalada Muqdisho ka degey wefdi diblomaasiyadeed oo heer sare ah oo Masri ah kaasoo uu horkacayey Kaaliyaha Wasaarad Dibadeedka dalkaa ugu qaybsan arrimaha Afrika ee Sherif Issa.

Wefdiga Masriga ah ayaa la kulmay Wasiir Dibadeedka Somalia, Mohamed Abdirizak, si ay ugala hadlaan “waxa ka cusub Somalia, arrimaha gobolka iyo deriska, amaanka Geeska Afrika, iyo sida boorka looga jafi karo xiriirka labada dal. …” sida ay u dhignayd warbixin kasoo baxday WAD Masar oo sidoo kale sheegtay in la furay madal ka dhexeeysa labada dal.

Booqashada ayaa timid xilli aysan labada dal aad iskugu fiicnayn. Rokha Xasan oo xubin ka ah Golaha Arrimaha Dibedda ee Masar ayaa sharraxay in Masar ay taageersan tahay midnimada Somalia, isagoo ”isfaham darro” ku tilmaamay cayrinta macallimiin ka joogtey Somalia kaddib markii ay xiriir la sameeyeen gobol ka tirsan Somalia iyaga oo aan wargelin DF.

Waxaa dheer in Muqdisho ay taageerin Qaahira oo qaraar qabyo ah oo ka dhan ah Itoobiya hor gaysey Jaamacadda Carabta, kaasoo cambaaraynayey tillaabooyinka ay kaligeed qaadday ee ku saabsan Biyo-xireenka GERD.

Mukhtar Ghobashy, oo ka tirsan hay’ad lafa-gurta siyaasadda Carabta ayaa  Al-Monitor u sheegay in Masar ay Somalia ka leedahay door ballaaran oo ku qotoma laba ujeeddo: a) In Somalia lagu daro dalalka diiddan tillaabooyinka Itoobiya ee Biyo-xireenka iyo b) In laga hor tago wax uu ku sheegay dhex-gelidda Turkiga ee Somalia.

Sisi oo 2014 xukunka boobay ayaa doonaya inuu soo celiyo doorka lumay ee Masar tan iyo isku daygii khaarajinta MW hore ee Xusbi Mubaarak Addis Ababa 1995.

Ghobashy oo dareensan in Masar lagaga dheereeyey saamaynta Somalia ayaa yiri, “Tilaabooyinka Masar ee Somalia waxay inta badan ku xiran yihiin arrinta GERD. Misn Masar waxay ka walaacsan tahay arrin kale oo ka jirta Somalia, waana dhex-galka xooggan misna cabsida leh ee uu Turkigu ka wado dhulkeeda.”

Ghobashy ayaa sheegay in ujeedka 1-aad ee Masar uu yahay inay saldhig ciidan ku yeeshaan Muqdisho si ay Somalia uga caawiyaan la dagaallanka Shabaab iyo Daacish oo ay waayo aragnimo u leeyihiin.

3 maalmood kahir booqashada wefdiga Masriga ah, Wasiir Dibadeedka Somalia ayaa la kulmay Danjiraha Turkiga ee Somalia, Muhammad Yilmaz, isagoo ku yiri: “Turkey wuxuu si joogto ah u garab taagan yahay Somalia, wuxuu siiyaa kaalmo ciidan, kaalmo horumarineed isagoo jawaab deg deg ah ka bixiyey kaalmada #COVID19.”

Yeelkeede, Omar Mahmoud, oo ah falanqeeye arrimaha Somalia u qaabilsan International Crisis Group, ayaa sheegay in khilaafka GERD uu Somalia taagey meel xun maadaama ay xiriir la leedahay labada dal oo uu midkoodba qaadan waayey inay arrintaa meel dhexe ka istaagto.

“In xiriirka Somalia lagu baxareeyo muran dhex yaalla laba dal waa burbur istaraatiji ah. Somalia ma aha inay noqoto madal ay ku hardamaan dhinacyo is haya.” ayuu yiri Mahmoud.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media