DAAWO: Maraykanka oo tijaabiyey madfaca ugu tiirada dheer dunida maanta (Yaa awal rikoodhka haystey?)

0

(Arizona) 25 Dis 2020 – Millateriga Maraykanka ayaa tijaabiyey madfac ride ah oo lagu naanayso ‘supergun’ kaasoo aan seeraynin bartilmaameedkii loo asteeyey oo fogaan u jirey in ka badan 43 mayl (70 km).

Qorigan ayaa sidaa uga mid noqday madaafiicda ugu tiiro dheer guud ahaan taariikhda, kaddib markii lagu tijaabiyey Yuma Proving Ground oo ah goob dab-rid oo ku taalla Gobolka Arizona.

Qorigan ayaa markii 1-aad ee la tijaabiyey waxay ahayd Maarso sanadkan isagoo xilligaa gaarey 40 mayl (65 km), balse hadda ayuu gaarey bartilmaameedkii saxda ahaa.

Qorigan ayaa loogu tala galay in uu madfac la gaaro meel ka fog goobta dagaalka, waxaana Ciidanka lugta ee Maraykanka la siin doonaa 2023-ka.

Madfacii taariikhda ugu tiiro dheeraa waa midkii uu Jarmanku dhisay ee Paris-Geschütz, ama ‘Qoriga Paris’ — kaasoo magaaladaa garaacayey 5 bilood oo xiriir ah min Maarso ilaa Agoosto 1918-kii, waxaana ka dhacayey madfac cufkiisu yahay 234 rodol ama 106 kg, kaasoo muddo 3 daqiiqo ah ku gaarayey masaafo dhan 81 mayl ama 130 km.

Hadalsame Media