Markab dagaal oo Maraykan ah oo khasab looga cayriyey biyaha Shiinaha (Bil kahor oo Ruushka laga soo eryey)

0

(Beijing) 24 Dis 2020 – Ciidanka Cirka iyo kuwa Badda Shiinaha ayaa iskugu tegey markabka burburiyaha ah ee USS John S. McCain kaasoo ay ka ‘eryeen’ jasaa’irka  South China Sea, sida ay sheegtay Beijing.

Maraykanka oo ku doodaya inuu samaynayo wax uu ku sheegay ”xorriyadda gooshitaanka badda” ayaa markabkan iyo kuwo kale sanka ka gelinayey dalal kala duwan.

Yeelkeede, Ciidanka PLA ee Shiinaha ayaa USS John S. McCain ka eryey biyaha geyi ee jasiiradaha South China Sea kaddib markii ay ku eedeeyeen in lagu soo xad-gudbey gayigooda, sida uu sheegay Kornayl Tian Junli, afhayeenka Taliska Koonfureed ee PLA.

Nansha waa magac ay Shiinuhu siiyeey jasaa’irka Spratly Islands, oo ah xirmo jasiirado yar yar ah oo ay dalalka gobolku isku haystaan, balse ay Shiinuhu ka dhisteen jasiirado gacan samays ah iyo saldhig ciidan si ay u xoojiyaan sheegashadooda.

Jo Keiley, afhayeenka Raxanta 7-aad ee Ciidanka Badda Maraykanka ee saldhigata Yokosuka, Japan, ayaa ku dooday in markabkoodu uu kaliya aaggaa maray, taasina aanay fasax, digniin iyo wargelin toona u baahnayn, isagoo ku dooday inaysan jebin xeerka caalamiga ah.

Si kastaba, ma aha markii ugu horreeysey, waayo waxaa markabkan oo ah nooca qaada gantaalaha la hago ee McCain bishii hore laga soo eryeu biyaha maxalliga ah ee Ruushka gaar ahaan xeebta Vladivostok, waxaana digniin kama dambayn ah oo uu siiyey burburiyaha Ruushka ah ee Admiral Vinogradov oo xitaa ku sigtay inuu ku qaado.

Hadalsame Media