MARAYKANKA: Laba qof oo rakaab ah & aygoodii oo inta furay ka baxay daaqadda dayuurad socota (Sida wax u dheceen)

0

(New York) 24 Dis 2020 – Laba qof oo rakaab ah oo saarnaa dayuuradda Delta flight oo ku wajahnayd magaalada Atlanta ayaa furay albaabka lagu sibxado marka shil dhoco kaddibna dibedda u baxay.

Nasiib wanaag dayuuradda ayaa xilligaa ku socotey dhabbaha iyadoo isu diyaarinaysey inay ka duusho gegada New York ee LaGuardia Airport, sida uu sheegay afhayeen u hadlay diyaaradda.

Dadka daaqadda ka baxay ayaa waxaa sidoo kale raacay eey dayuuradda saarnaa, sida uu qorayo The New York Times, kaasoo haatan loo diray xerada xayawaanka ee Brooklyn, sida ay CNN u sheegtay afhayeen Lenis Valens.

Labada qof ee albaab-sibxadka furay oo kala ah Antonio Murdock, 31, iyo Brianna Greco, 23-jir, oo labaduba reer Florida ah, ayaa wajahaya dembi heerka 3-aad ah oo gelidda howl aan loo asteeynin ah, iyadoo ay Murdock u dheer yihiin 2 dembi oo heerka 2-aad ah oo uu mid yahay dhaqan xumo ama ciyaal suuqnimo iyo midka kale oo ah qar iska tuurnimo.

Casey Johnson, oo deggan xaafadda Manhattan ee NY oo u socdey qoyskiisa oo deggan Panama City Beach, Florida, ayaa CNN inuu lamaanahan iyo aygooda uu kursiga u bedeley.

Hadalsame Media