Dhiig miirasho ka jirta xabsiyada Somaliland & doorka garsoorku ku leeyahay (Akhri sheekadan)

0

(Hargaysa) 24 Dis 2020 – Shan (5) sannadood ayuu xabsi ugu jiray $3000. Waliba shanta sannadood kaliya ma xirnayne 5 kale oo ka sii horraysay ayuu xabsiga ku jirey. Wadar ahaan 10 sannadood ayuu xabsi ku jiray.

Maxkamaddii xabsiga ku xukuntay 5 sannadood iyo $3000 ayay ku xukuntay. Markii uu shantii sano ee lagu xukumay dhammaystay waxa uu awoodi waayay in uu iska bixiya saddexdii kun ee doolar si uu xabsiga uga baxo. Hooyadiis iyo aabbihiis oo Itoobiya ku noolaa waxay ahaayeen dad sabool ah oo ma awoodin in ay $3000 ka bixiyaan wiilkooda sidaas darteed waxay qasbanaadeen in ay iska sugaan iskana fiirsadaan wiilkoodi oo xabsi ugu jira lacag aad u yar. Aabbihiis waaba dhintay wiilkiisi oo wali xabsi ku jira.

La yaabku waxa uu yahay in maxkamaddii xabsiga ku xukuntay ninkaas ay 5 sannadood ku fiirsanaysay in ninkaas miskiinka ahi $3000 xabsi ugu jiro. Sidee damiirka qaaddigii xukumay ku oggolaaday in ruux bini’aadam ahi waliba muslim ahi 5 sannadood xabsi ugu jiro $3000? Qaaddiga ama xaakimka sidaas yeelay ma lagu qanci karaa in uu xukun caddaalad ah qaaday markii horaba?

Sow ma dhici karto in ninkaasi maskiinka ah 5tii sano ee lagu xukumay ee dhammaystayna aysan caddaalad ahayn maadaama uu 5 sano oo dheeraad ah si xaqdarro ah xabsi ugu jiray maxkamaddii xukuntayna iska eeganaysay?

Waxa kale oo yaanb iyo amakaag leh in meesha gaboodfalkaasi ka dhacayo ay tahay Hargeysa, caasimadda Somaliland oo ah dal ka abuuray caddaaladarro iyo gaboodfallo uu kula kala kacay taliskii Siyaad Barre.

Sidee dad ayaguba maamulkooda ka dhashay tacaddiyo iyo gaboodfallo foolxun u samayn karaan gaboodfallo iyo tacaddiyo heerkaas ah? Miyay hilmaameen xanuunkii caddaaladarrada?

Haddii xataa ay hilmaameen xanuunka ay caddaladarradu leedahay maamulka Somaliland ma garan waayay in ay caqlixumo tahay in ruux $3000 bixin waayay 5 sano xabsi lagu hayo? Ma se garan waayeen in shantaas sannadood lacagta maamulka uga baxday quudinta iyo ilaalinta ninkaasi ay $3000 ka badan tahay?

Waxa kale oo macquul ah in ninkaasi 5 sano oo kale ama ka badan xabsiga ku sii jiri lahaa haddaan Eebbe u soo diro lahayn Cabdilmalik Muusa Coldoon.

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media