Caabuq-sidaha coronavirus oo gaarey qaaraddii qura ee u harsanayd

0

(Hadalsame) 23 Dis 2020 – Antarctica ayaa diiwaangelisey kiiskii ugu horreeyey ee Covid-19 ah kaddib markii mar qura 36 qofood oo ku sugan goob daraasadeed laga helay cudurka, sida ay sheegeen Ciidanka Chile.

Warkan ayaa ka dhigan in uu haatan cudurku gaarey dhamaan qaaradaha dunida, waayo tan iyo todobaadkan, cudurka coronavirus kama jirin qaaradda qaboow ee Antarctica oo ahayd qaaradda qura ee harsanayd.

Saldhigga Jeneraal Bernardo O’Higgins Riquelme, oo ah goob cilmi baaris oo ay leedahay Chile kuna taalla woqooyi galbeed jasiirad u ekaha Antarctica ee Trinity Peninsula, ayaa xaqiijiyey in cudurka laga helay 26 askari iyo 10 shaqaale rayid ah.

Cudurka ayaa ku bilowday 3 qof oo la shaqeeynayey dooni sahayda gaysa saldhiggaa fog oo laga helay Covid-19, taasoo keentay in la wada baaro dhamaanba 208 qofood oo xerada ku sugan, sida ay sheegeen Ciidanka Badda Chile.

Hadalsame Media