Baxrayn oo fal ”daandaansi ah” kula kacday Qadar (Ashtako rasmi ah oo loo diray QM)

0

(Dooxa) 24 Dis 2020 – Qadar ayaa QM u gudbisey ashtako ka dhan ah Baxrayn oo ay sheegtay in labadii bilood ee ugu dambeeyey ay kusoo xadgudubtey hawada iyo biyaha dalkaasi, gaar ahaan 4 dayuuradood oo Bahraini ah oo 9-kii bishan soo galay hawadeeda, sida ay maanta sheegtay Qatari News Agency [QNA].

Sida ay qabto QNA, Wakiilka Dooxa ee QM, Sheikha Alya bint Ahmed bin Saif Al-Thani, ayaa ashtako rasmi ah oo ka socota Dowladda Qadar u gudbiyey QM, si tillaabo looga qaado Maanama oo ay sheegeen inay ku xadgudbeen qiyamka madax bannaanideeda, amaankeeda iyo xeerka caalamiga ah.

“[Warqaddu] waxay Baxrayn ugu baaqaysaa inay faraha kala baxdo wax kasta oo daandaansi iyo mas’uuliyad darro ah iyo inay adeecdo cahdiga QM, xeerka iyo heshiisyada caalamiga ah.” ayaa warqadda ku qoran sida ay sheegtay QNA.

Murankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Baxrayn, oo ka mid ah dalalka 2017-kii Qadar go’doomiyey, ay waddey hindise Qadar u wadacaya inay galaan heshiis dhanka badda ah si ay u wada wadaagaan kalluunka biyohooda, iyadoo sidoo kale Arbacadii ku baaqaysey in la dhameeyo xasaradda dalalka Khaliijka ee ku wada jira GCC waloow ay ka aamusnayd dib u heshiisiin socotey.

Dhamaanka dalalka GCC ayaa Riyaad ku ballansan Diseembar 27 si loo diyaariyo kal-fadhiga 41-aad oo lagu wado inuu isla Riyaad ka dhoco 5-ta Jannaayo.

Hadalsame Media